shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Mulkiilaha mid ka mida labbadi Doonyood ee Masar laga lahaa oo gaarey Qaahira.

(Qaahira,  August 18,  2009 Ceegaag Online)

Mulkiilihi Dooni laga lahaa Dalka masar oo dhawaantan ka badbaaday Afduub burcad badeed ugu haysatay Xeebta Degmadda laasqoray ayaa shalay Galabnimadi ka degay Airporka Jabuuti isagoo dalka masar ka maqnaa muddo dhan labba bilood Waxaana uu  ku sugnaa Magaaladda Bosaso ee Puntland waxaana mulkiilaha Markabkaasi lagu magacaaba xaaji Xasan Khaliil oo da'diisu tahay 65sano jir.

Mulkiilaha Mid kamida Doonyahasi Xaaji xasan khaliil ayaa isagu muddo u joogay Deegaanadda Puntland gorgortan uu kula jiray Kooxda Burcad badeeda ah ee haystay Labadda doonyood iyadoo labadaasi markab ahaayen Nooca kaluunka daabula.

Xaaji xasan khaliil oo isagu ah mulkiilaha mid kam doonyahasi oo lagu magacaabo(Mumtaas1) ayaa ka degitaankiis Jabuuti shalay galab saacadu markayd ahayd 4:00 cadaanweydy inuu aadayo Qaahira marka la eego xaaladaha Safarka oo ahaa mid degdega markii uu ka soo baxayay bosaso iyadoo ay si wayn u ilalinayen Ciidamadda Amaanka ee Puntland Waxaana la socday C/waaxid maxamuud Xasan la taliyihii hore ee C/laahi yuusuf.

Balse xaaji xasan khaliil ayaa maanta duhurkii ka degay Magaaladda Qaahira ee wadanka Masar iyadoo si wayn halkaasi loogu soo dhaweeyay waxaana soo dhaweeyay dad aad u fa rabadan oo reer masar ah oo ay u badnaayen eheladda shaqaalaha laga lahaa Doonyaha Masar ee iska badbaadiyay kooxaha burcad badeeda ah.

Labadda Doonyood ee Masar laga lahaa.

Labadda doonyood ee laga lahaa masar ayaa ahaa nooca Kaluunka waxaana laga afduubay xeebta badweynta Hindiya dabayaaqadi bishii April ee sanadkan 2009 iyadoo la geeyay xeebta Deegaanka Gacan ee Laasqoray halkaasi oo muddo lagu haystay Doonyaha iyo shaqaalaha saaran oo masar laga lahaa balse xoog iyo xeelad ayaa ay isku sii daayen Shaqaalihi Doonyahasi oo gaarayay 35 shaqaale reer masar ah.

Hal nin oo dhaawac ayaa isagu badda isku so tuuray oo lala dhacay Faasas iyo Baangado isagoo ku soo caaryay biyaha Degmadda laasqoray balse ninkaasi ayaa dhintay shalay waxaana lagu aasay Deegaankaasi sidoo kale hal nin oo kale oo mayd ah ayaa isna ku soo caaryay Degaankaasi waxaana loo malaynayaa inay ku dhinteen Nimankaasi weerarkii labadda dhinac ku dhexmaray Doonyaha dhexdooda.

Marka la isku soo xooriyo Waxaa loo aaneynayaa falkaasi ay isku sii daayen Shaqaaluhu inay gacan ka gaysatay Dawladda puntland basle Xildhibanad Caasho axmed cabdala oo ka tirsan Xildhibaanada Baarlamaanka Somalia oo ku sugan Magaaladda Gaalkacyo ayaa waraysi ay siisay Jariidada"Dastuur" ee dalka masar kaga codsatay Dawladda Masar inay dib ragaasi ugu soo celiso Puntland si halkaasi loogu maxkamadeeyo.

www.ceegaag.com

webmaster@ceegaag.com