shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Puntland oo laga bilaabay Xog ururin ku saabsan Awoodaha Dawladaha Hoose ee Degmooyinka.

                          (Bosaaso,  August 28,  2009 Ceegaag Online) 

Wasaaradda Arrimaha Gudaha,Dawladaha hoose iyo Horumarinta Reer miyiga ee Puntland ayaa bilawday Barnaamij xog ururineed oo lagu awoodaynayo Dawladaha hoose ee Degmooyinka Puntland waxaana Barnaamijkaani loogu magacdaray(Capacity assesment) waxaana kala kaashanaya Ha'adaha QM sida,UNHABITAT,UNDP,UNCF.

Barnamajkaan ayaa waxaa laga soo bilaabay Magaaladda Bosaso waxaana la keenay sidoo kale Garowe iyo Qardho iyadoo Barnaamijkaani yahay mid lagu tayaynayo waaxyaha Dawladaha Hoose ee Puntland sida,Caafimaadka,Isgaarsiinta iyo kor uqaadida Arrimaha Bulshada hadaba waxaan wax ka waydiiyay sida Barnaamijkaani u socdo Agaasimaha W/Arrimaha Gudaha waaxdeeda Qorshaynta Maxamed Cali nuur(Jubba) "Barnaamijkaan waxaa hogaaminaysa Wasaaradda Arrimaha gudaha waxaana kala kaashanaya Ha'adaha QM waxaana horay uga soo fulinay Garowe,Bosaso,Qardho hadana waxaan gaarsiinaynaa,Gaalkacyo iyo Buuhoodle si loo ogaado xadidka awoodaha Dawladaha Hoose ee Deegaanadaasi".

Marka la isku soo xooriyo Barnaamijkaani lagu tayaynayo Dawladaha Hoose ee Puntland ayaa u muuqda inuu qayb ka noqonayo Barnaamij ay wado QM oo laga fulinayo Somaliland iyo Puntland kaasi oo lagu awoodaynayo Hanaanka Maamulwanaaga.

Daawo Sawirada

                                       

www.ceegaag.com


 

webmaster@ceegaag.com