shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

W/Kuuriya oo sii daysay labba weriye oo maraykanka u dhashay.

(Pyongyang,  August 05,  2009 Ceegaag Online)

Madaxweynihi hore ee wadanka Maraykanka Bill clinton ayaa maalintii Taladada tegay Magaaladda Pyanyong ee caasimadda wadanka Waqooyiga korea si uu u sii daayo labba weriye oo u dhashay Maraykanka oo wadankaasi lagu hayay laga soo bilaabo bishii la soo dhaafay ee March iyadoo dawladda waqooyiga korea ay gacanta ku haysay labadda gabdhood ee wariyayaasha ah una dhashay maraykanka oo lagu kala magacaabo laura ling iyo Euna lee.

Labadda gabdhood ee wariyayasha ah ayaa dawladda wadankasi Waqoyiga kuuriya haysay ku dhawaad shan bilood iyadoo dawlada wadankaasi ku soo eedaysay inay ahaayen labadani weriye Basaasin maraykanka u shaqeeya iyadoo la qabtay labadani wariye iyagoo ka soo kicitimay shiinaha waxaana lagu qabtay waqooyiga kuuriya labadani wariye ayaa u shaqaynayay Current Tv iyo American Tv oo maraykanka ku yaala.

Labadani saxafi ayaa waxay isku diyaarad raaceen madaxweynihi hore ee maraykanka Bill clinton iyagoo u kicitimay dhankaa iyo Gobolka Los angeles si ay ugu biiraan qoyskooda oo ay muddo ismoogaayen sidaaasi waxa sheegay mid ka mida sarakiisha aqalka cad ee washington dadaalka lagu sii daynayo labadani saxafi waxaa qaybwayn ka qaatay Bill clinton oo shalay tegay Pyonyang lana kulmay madaxweyne Kim Jing waxaase gabagabadi lagu guulaystay in Gabdhahani saxafiyiinta ah la sii daayo.

www.ceegaag.com

webmaster@ceegaag.com