shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Muran siyaasadeed ayaa ka soo cusboonaday Gobolka Hiiraan ee Bartamaha Somalia.

           (G.Hiiraan,  September 01,  2009 Ceegaag Online)   

Muran siyaasadeed ayaa ka soo cusboonaaday Gobolka Hiiraan ee Bartamaha Somalia waxaana Murankani yimid markii maalintii shalay ahayd uu Gudoomiyaha Gobolka Hiiran C/raxmaan macow oo hogaamiha Maamulka Maxkamadaha Islaamiga ah ee Gobolkaasi (Garabka Taageersan DFKMG ah) uu sheegay inay ka bexeen Dawladda uu jaharaha u hayo Madaxweyne Sharif sheikh axmed isla markaasna maamulkisu aanu Aqoonsanayn Dawladda Xamar ka dhisan waa sida uu hadalka u dhigaye isagoo hoosta ka xariiqay inay kalsoonidi kala laabteen ka maamul ahaan.

Balse Odayaasha Dhaqanka Gobolka Hiiraan oo Maanta kulan ku yeeshay Magaalada Baladweyne ayaa ka hadley arimihii ugu danbeeyay ee Gobolka ku soo kordhey, gaar ahaan Go’aankii Maamulka Gobolku ka qaatey DKMG ah.

Odayaasha oo ku kulmey Baar Faahiye ee Magaalada Baladweyne, waxay ka soo horjeesteen hadalkii shaley ka soo yeeray Gudoomiyaha Maamulka Gobolka Hiiraan, C/raxmaan Macow ee uu ku sheegay DKMG ah inay ka baxeen.

Kulankooda ayay uga hadleen labo qod oo kala ahaa, inaaney waxba ka ogeyn Go’aanka Gudoonka Maamulku qaatey, sidoo kalena ayna la qabin, sida uu Shir Jaraa’id oo kulanka ka dib qabtey Gudoomiyaha Odayaasha Dhaqanka ee Gobolka Hiiraan, Maxamuud Axmed Xoshow ka sheegay.

Waxa uu sidoo kale sheegay in Gobolka Dowlada laga taageersan yahey, Go’aanka uu Gudoonka Gobolku qaateyna uu yahey mid Dadka Gobolka ku dhaqan ayna la qabin, sidoo kalena ka xun yihiin, sida uu hadalka u dhigey.

Dhinaca kale Wasiirka Amniga ee dowlada Somalia C/laahi Max'ed Cali, ayaa go'aanka Gudoomiyaha gobolka Hiiraan ku sheegay inay dowladii ka baxeen ku tilmaamay mid isaga u gaar ah oo aanay la qabin odoyaasha iyo bulshada gobolka Hiiraan waxaana uu ka dhawaajiyay wasiirku in shacabka reer Hiiraan Taabacsanyihiin DFKMG ah.

Wasiirka Amniga Qaranka C/laahi Max’ed Cali Sanbaloolshe ayaa cadeeyay in aayaha dadka reer Hiiraan uu noqonayn mid u afduubaan shaqsi kaliya, wuxuuse xusay in Dowladdu isku dayi doonto iney wax ka qabato cabashada ka soo yeereysa maamulka ka arimiya Gobolka Hiiraan         

www.ceegaag.com


 

webmaster@ceegaag.com