shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Maamulka Somaliland oo ku gacansayray Dibadbaxyo ay ku dhawaaqeen Mucaaradku.

(Hargeysa,  August 17,  2009 Ceegaag Online)

Iyadoo maalinimadi shalay ahayd Xisbiyadda Mucaaradka Somaliland(UCID & KULMIYE) ku baaqeen dibadbaxyo Nabadeed ayaa waxaa jawaab ka bixisay Xukuumadda Somaliland iyadoo ku tilmaantay Dibadbaxyo ka dhaca Gudaha magaaloyinka Somaliland inay yihiin kuwo sharci daro ah waxaana hadalkaani shaaciyay Wasiirka arrimaha Gudaha Somaliland C/laahi ciro oo warfidiyeenadda ugu waramayay Magaaladda Hargeysa.
 
Wasiirka Arrimaha Gudaha Maamulka Somaliland C/laahi Ismaaciil ciro ayaa yiri "Mucaaradku waxay shacabka u sheegeen inaanay furi karin goobahooda ganacsiga maalinta khamiista ah oo ay dhigayaan dibadbax, mana ogolaan karno inaan aqbalno in shacabka xorriyadiisa la horistaago" .
 
Isku soo wadda duubo hadalkani ka soo yeeray Xukuumadda Somaliland ayaa ku soo aadaya xili Xisbiyada mucaaradka Somalia ee KULMIYE iyo UCID ay shalay sheegen inay sameynayaan dibadbax ay ku muujinayaan sida ay uga xun yihiin go'aannadii dowladda ee doorashooyinka ku saleysnaa, iyagoo dadka ugu baaqay inay ka qaybgalaan waxaana Somaliland toddobaadyadii ugu dambeeyay ka taagnaa muran ka dhashay doorashooyinka dhici doona bisha soo socota, iyagoo Riyaale uu eryay madaxii hay'adda Interpeace ee ka kaalmeynaysay diiwaangelinta iyo kharashka doorashooyinka.

www.ceegaag.com

webmaster@ceegaag.com