shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Jawaabihi Barnaamijka Kediska Ceegaag Online iyo Fikirkii Akhristayaasha.
 

           (Ceegaag,  August 31,  2009 Ceegaag Online)   

   
Barnaamijkii Kediska Bisha barakaysan ee Ramadan ee aan ugu talo galnay Akhristayaasha Warbaahinta Ceegaag Online ayaa waxaan Todobaadkan idiinku soo gudbinay Labba qaybood oo aad qayb ka mid ah ka faa'idaysanayseen halka Qeybta kalena ahaayen Su'aallo aan Akhristayaasha Kediska Ceegaag Online usoo bandhignay waxayna kala ahaayen:-
 
1- Goorma ayaa la furtay Magaaladda Barakaysan ee MAKA ALMUKARAMA (FATXUL MAKA)?.
2-Sheeg Dalmareenki helay Qaaradda America iyo Sanadkii uu helay?.
3- Sheeg xoghayihi Qaramadda midoobay ee ku dhintay shilka Diyaaradeed Sanadkii 1961?.
 
Jawaabta:-
1-Magaaladda Barakaysan ee Maka Almukarama waxaa la furtay Bishii shawaal sanadkii 8aad ee Hijriyadda.
2-Dalmareenki Helay Qaaradda America waxaa lagu magacaabi jiray Christopher Colombus wuxuuna helay sanadkii 1492.

"Sixid: Ogaada in ay arintani tahay arin la mala awaalay oo been ah Colombus waxa uu watay laba doomood oo laga bililiqaystay Andulus Nina iyo Pinta, Santa Maria iyaga ayaa lahaa! doomaha hore ayaa masiixiyiintu ka qabsadeen islaamka sanadkii 1492 markii ay kala wareegeen Spain Arinta safarka ee uu ku hawaystay inuu ugu baqoolo waqooyiga Ameerika  waxay ku timid Sirtii iyo culuuntii laga fara maroojiyay Ilbaxnimadii Islaamka ee ka jirtay Spain Waxaa taa sii raaca in Naakhuuduhu ahaa nin Islaam ah Islaamkuna xidhiidh la lahaa Cali baysteenadii ku noolaa wadankan Waqooyiga America. Waxaa taa sii raaca markii ay kusoo xidheen Jasiiradaha loo yaqaano Bahamas iyo Cuba  in Colombus uusanba ka war hayn meel uu joogay una maleenayay inuu ka soo dul dhacay India. Columbus waxa uu ahaa Khaatil balse dadka cadaanka ah waxa uu u ahaa nin u horseeday Hantida ay maanta aduunka ku hagayaan".


3-Xoghayihi ku dhintay Shilka Diyaradeed sanadkii 1961 waxaa uu ahaa Dag Hamaraskjold.
 
Akhristayasha ka Jawabay:-
 
Barnaamijka Kediska ee Ceegaag Online waxaa si sax uga soo jawaabay Lix qof oo kala ah .

1. Cali Axmed Nur - UK

2. Ifraax maxamuud Yuusuf-Muqdisho,Somalia.

3. Bashiir maxamuud axmed-Garowe,Puntland

4. C/raxmaan Xasan xuseen-Garowe,Puntland

5. Kaahin C/laahi -Helisink,Finland

6. Mohamed Bashir-Addisababa,Itoobiya.

Lixdaas qof ayaa si sax ah uga soo jawaabay Su'aalaha Barnaamijka Kediska Ceegaag Online si aada ayaana uga mahadcelinaynaa sida ay u kaashadeen Maankooda iyo Maskaxdooda.
F.G:Barnaamijka Kediska ceegaag Online waa Barnaamij Todobaadle ah oo inta lagu jiro Bisha barakaysan ee Ramadanka aad Pageka ka daalacan coontaan.
 
Abdirashid Mohamed Dahir
Ceegaag Online-
Somalia Office.

www.ceegaag.com

webmaster@ceegaag.com