shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Heshiis laga gaaray Rabshadihii ka dhacay Dalka Madagascar.

(Antananarivo,  August 11,  2009 Ceegaag Online)

Ka dib shan berri oo wadaxaajood iyo u kala dabqaadid wadanka ku yaala Koonfurta Africa ee Madagascar's ayaa waxaa dhinacyada isku hayay siyaasadda dalkaasi gaareen heshiiskii kama dambaysta ahaa heshiiskani ay gaareen afarta xisbi ee siyasadda ugu waaweyn wadanka Madagascar's ayaa dhabaha u xaaraya isqabqabsi siyaasadeed oo wadankaasi hareeyay bilihi ugu dambeeyay ka dib inqilaabki Madaxweynihi hore ee wadankaasi Marc Ravalomanana

Heshiiska lagu dhexdhexaadinayo Dhinacyadda siyaasadda isku hayay wadankaasi madagascar ayaa waxaa hormuud ka ahaa madaxweynihi hore wee wadankaasi Mozambique Joaquim Chissano iyo Dhexdhexaadiyayaal kale oo caalami ah iyadoo la isku raacay in la sameeyo dawlad Kumeel gaar ah tartarka doorashadda Madaxtinimadda sanadka 2010 iyadoo loo tixraacayo heshiiski ay gaareenafarta nin ee ka dhacay Magaaladda Maputo ,Marc Ravalomanana,Andry Rajoelina,Didier Ratsiraka iyo Albert Zafy waxaana afarta siyaasi ee reer madagaskar khilaafkoodu soo ifbaxay Afgambigi Bishi march lagu riday Marc Ravalomanana iyadoo uu awooda la wareegay Andry Rajoelina

Wixii wakhtigasi ka dambeeyay Ravalomanana ayaa Masaafurin ahana u joogay Dalka South Africa iyadoo heshiiska ay wadeen Dhexdhexadiyayaal caalami ah oo ka socday QM iyo Madaxweynihi hore ee Wadankaasi Mozambique waxaana heshiiskani ahaa mid jilbaha dhulka la isu dhigay intii uu socday dooda ayaa waxay u muuqatay mid dhexdhexaanideen iyadoo wadaxaajoodku ahaa,Dhexdhexaadin iyo ukala dabqaadid.

Tiebile Drame oo ah dhexdhexaadiye ka socda QM ayaa u sheegay saxaafadda"Heshiiska laga gaaray Madagascar waxaa uu ku dhisanyahay Dawlad Kumel gaar ah iyadoo laga gaarayo dhismaha dawladda in aan ka badnayn 15 bilood tani waxay u hogaaminaysa Wadanka Madagascar dib u asaasid dimuqradiyad Degan oo hirgasha".
Isku so wadda duubo dhexdhexaadiyayaasha Xalka ka soo saaray dhibaatadi haraysay Madagaskar ayaa isugu jira African Union, United Nations, the International Organisation of the Francophonie (French-speaking countries) iyo ururka ka dhisan Koonfurta africa ee Southern African Development Community (Sadc).
Abdirashid Maxamed Dahir
Rashid@ceegaag.com

webmaster@ceegaag.com