shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Halkee marayaan Kulamadi DFKMG ah ee Soomaliya iyo Puntland?.

(Gaalkacyo,  August 22,  2009 Ceegaag Online)

Magaaladda Gaalkacyo ee xarunta Gobolka mudug waxaa ku sugan Maalintii shanaad Wafdi balaaran oo uu hogaaminayo Ra'iisulwasaaraha Somalia Md:Cumar C/rashiid Cali waxaana ujeedada Safarka wafdiga ka socda DFKMG ah somalia tahay sidii ay Maamulka Puntland ugala hadli lahayeen Xurgufta Siyaasadeed ee Dhextaala marka la eego Shirkii Dib u heshiisiineed ee ka dhacay Magalaadda Jabuuti ee wadankaasi jabuuti.

Saraakiisha isku horfadhida Wadahadalada ayaa loo kala qeybiyay sadeex Guddi oo ka kal kooban:

1- Guddiga Siyaasada
2- Guddiga Amniga iyo Sharciyadda
3- Guddiga Horumarinta iyo arrimaha Bulshada

Wadahadaladda Labadda dhinac ayaa ah kuwo wajiyo badan leh balse Saraakiisha dhinacyada ayaa xaqiijinaya in uu jiro horukac ay ka sameeyeen wada xaajoodyada, inkastoo ay jiraan ayay leeyihiin Saraakiisha dhinacyadu waxyaabo aan wali laysku mari karin oo ay ugu horeeyaan Siyaasada.

Guddiyadani loogu talagalay gorfaynta Natiijooyinka ka soo baxa shirka labadda dhinac ayaa qaarkood soo saareen Go'aamadi ay gaareen kuwaasi oo ay hordhigeen Guddiga sare ee siyaasadda oo ay kala hogaaminayan Madaxweyne Faroole iyo Ra'iisulwasaare Sharmaarke i yadoo aanay si cad wali masuuliyiintaasi u saxiixin Heshiishkaasi Hordhaca ah.

Tusaale Guddiga loo asteeyay Amniga iyo Sharciyadda aya soo saaray Nuqulo lagu gorfaynayo xaaladaha ka taagan somalia iyadoo Nuquladda ay soo saaren ay ka mid yihiin:-

1- In laga wada shaqeeyo Amaanka guud ee dalka Soomaaliya ee amaan.

2- In dowladda Puntland ay qeybteeda ku yeelato sugida amaanka dalka, isla markaasna ay ka taageerto dowladda Soomaaliya dhinacyada Amaanka.

3- In ciidamada dowladda Soomaaliya ee la dhisayo ay noqdaan kuwa ay Puntland ku leedahay qeybteeda, ku asteysan 4.5 Axdi Qarameedka dowladda Soomaaliya.

4- In dowladda Soomaaliya waxyaabaha kaalmada Milateri ah ee lahelayo qeybteeda ay ka hesho dowladda Puntland ee Soomaaliya.

Guddiyada labadda dhinac ayaan wali ku heshiin Qodobo Qaarkood sida in Puntland la siiyo qaybaha ay ku leedahay Nidaamka Federaalka iyo qodobo kale oo ay ka mid yihiin Arrimaha Militeriga ku saabsan waxaana sidoo kale Guddiga Horumarinta iyo Adeegyada Bulshadu gaareen qodobo ay sahlantahay in looga gudbo caqabadaha Shirka hor iman kara sida arrimaha ku saabsan Caafimaadka iyo Waxbarashadda walaw arrimaha Gudigani garen si rasmi ah loo shaacin .

Waxa jira qodobo ay isku mariwaayen Guddiga Siyaasadda oo ay u madaxyihiin Madaxweynaha Puntland Faroole iyo Ra'iisulwasaare Sharmaarke waxaana ay ka koobanyihiin,Madaxweynaha Puntland-C/raxmaan Faroole,Ra'iisulwasaare Cumar C/rashiid,M/ku/xigeenka,C/samad cali shire iyo Wasiirka Arrimaha Dibadda Cali axmed jaamac(Jengeli) sida Saraakiil aan la xiriiray oo ku sugan Goobta shirka ii xaqiijiyen.

Madaxweynaha Puntland & Raysalwasaaraha Soomaaliya oo kala hogaaminaya gudiga Siyaasada, isla markaasna ay hoos yimaadaan Labada gudi ee kale, ayaa gudigoodu uu noqday mid aan gaarin horumar la taaban karo, waxa ayna isku qabteen qodobada qaarkood oo ay ugu horeeyaan Siyaasadaha Puntland ee dibada iyo Xiriirada Caalamiga ah waana afartaan Qodob qodobadda la isku hayo.

1- In ay Puntland u madax banaanaato xiriirkeeda dibada, oo aysan cidna uga marti ahaan tan iyo inta laga sameynayo Dowlad gobaleedyada dalka.

2- In ay Puntland wafdi walba oo ay leedahay DFKMGS una baxay dalka dibadiisa, ay Puntland ugu jiraan xubno ka tirsan dowladda, si ay ula socdaan Siyaasadaha dowladda Soomaaliya, maadaama ay dhinacyadu isku mawqif yihiin.

3- In ay Puntland hesho 4.5 qeybta ay uga leedahay Deeqaha Maaliyadeed, Waxbarashada, Caafimaad iyo Horumarineed, isla markaasna ay yeelato saamiga ugu badan hadii gobalo loo qeybinayo, maadama ay tahay meesha kaliya ee laga taageersan yahay dowladda Somaaliya.

4- In Puntland ay leedahay Siyaasada Madax banaan, oo leh dhinacyo badan, isla markaasna ay dowladda Soomaaliya siineyso oo kaliya ogaysiin oo kaliya.

Isku soo wadda xooriyo marka la gorfeeyo xaalada shirka ayaa u muuqda mid waxkasta laga fili karo waxaana ilo xog ogaal ah noo sheegayaan in shalay la isku dayay in dib loo soo nooleeyo dib u sixida qodobadda la isku afgaranwaayay balse dib la isugu gacansayray iyadoo la sheegayo in Dhinacyadu si toos ah isu horfariisanayaan Maanta ila berri si loo gaaro Natiijo kama dambays ah.

Abdirshid Mohamed Dahir
Rashid@ceegaag.com

webmaster@ceegaag.com