shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Guurtida iyo Nabadoonadda Puntland oo baaq nabadeed ka soo saaray Colaadaha ka jira Bari.

(Boosaaso,  August 16,  2009 Ceegaag Online)

Iyadoo Maalmihi ugu dambeeyay colaado ka jireen Deegaano ka tirsan Bari iyo mudug ayaa waxaa isa soo taraya Baaqyadda nabadeed ee laga soo saarayo Colaadaha iyo Dagaaladda ka jira Qeybo ka mida Labadaasi Gobol waxaana colaadu aad ugu baahday Deegaano ka tirsan Gobolka Karkaar markii ay halkaasi isku farasaareen Labba beelood oo walaalo ah oo wada Degaano Hoos yimaada Gobolka Bari waxana Dagaalkani ka socday Maalmihi ugu Dambeeyay Gobolka bari ka dhacay Deegaano hoos yimaada Degmadda Ufayn ee Gobolka bari Dagaalkaasi oo ku fiday Deegaano ay ka mid yihiin Moqor iyo Kob dhexaad oo ku teedsan Casha Gobolka bari ee Puntland.

Dagaalka ka dhacay Deegaanadasi ayaa waxaa ku nafwaayay dad kor u dhaafaya 10 ruux oo ka mida labadi dhinac ee Dirirtu dhexmaraysay iyadoo dad badani ay ku dhaawacmeen Dagaaladasi ka dhacayay Gobolka Bari waxaase isa soo tarayay Maalmihi ugu dambeeyay Baaqyadda Nabadeed ee laga soo saarayay Colaadaha ka taagan Deegaankaasi iyadoo sidoo kale ay colaad ka jirto Qeybo ka mida Gobolka mudug halkaasi oo colaadu ka bilaatay Ka dib dilkii wasiirki Warfaafinta Puntland Warsame Cabdi shirwac.

Baaq nabadeed oo ku wajahan Joojinta Colaadahasi ayaa waxaa diray Guddiga Nabadoonadda Puntland oo ah dalad ay dhawaantani dhisteen Guurtida iyo Nabadoonada Puntland ee fadhigoodu yahay Magaaladda Garoowe Gudoomiyaha Gudiga Nabadoonadda Puntland Khaliif cali ayaa sheegay in si shuruud la'aan ah lagu joojiyo Dagaalka dhiigu ku daatay ee ka dhacay Degmadda Ufayn isla markaasna ay heshiis gaaraan Labadda beelood ee walaalaha ah iyadoo sidoo kale baaq kaas la mida ay maanta ka soo saareen Xarunta Gobolka Karkaar ee Qardho nabadoonadda Gobolka Karkaar kaasi oo ku wajahan colaadaha ka jira Deeganadasi iyadoo baaqan ku wajahnaa hakinta colaada iyo sidii loo gaari lahaa Heshiis waara oo dhex mara labadda Dhinac ee dagaalku dhexmaray waxaana baaqani ay so saareen Nabadoonadda Gobolka karkaar ee Puntland maanta iiga waramay Nabadoon Maxamed Aadan cali(Xagaa) "Baaq nabadeed ayaan soo saaraynaa waxaan ka xunahay Dhibaatoyinka ka jira Deeganadasi Anaga hadana nahay Nabadoonada Waxaan leenahay hala joojiyo dhibta jirta Hadaanu nahay Nabadoonadda Puntland waxaan jeedinayna Baaq nabadeed".

Isku soo wadda duubo Baaqyadani nabadeed aya qayb ka ah Baaqyo Nabadeed oo horay loo soo saaray si loo joojiyo Colaadaha ka huraya Deegaanadasi.

Daawo Sawirada

Abdirashid Maxamed Dahir
Rashid@ceegaag.com

webmaster@ceegaag.com