shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

C/nuur Geesay oo maanta lagu xiray Magaaladda Gaalkacyo.

(Gaalkacyo,  August 25,  2009 Ceegaag Online)

C/nuur maxamuud diiriye (Geesey) waa Gudoomiyihi hore ee Gobolka Mudug waxaana xilka ka qaaday Madaxweyne Faroole markii lagu eedeyay inuu qayb ka ahaa dilkii loo gaystay Wasiirki Warfaafinta Puntland Alla ha u naxariiste Warsame Cabdi shirwac balse xalay ayaa lagala soo baxay gurigiisa oo ku yaala Bartamaha Magaalada Gaalkacyo iyadoo maanta Ciidamadda Amaanka Puntland keneen Xabsiga weyn ee Magaaladda Gaalkacyo.

Warka ku aadan xiritaanka Gudoomiyihi Hore ee Gobolka Mudug ee Maamulka Puntland ayaa loo aaneynayaa inuu yimid ka dib markii wiil uu dhalay uu nin ku dilay Gudaha Magaaladda Gaalkacyo ee Xarunta gobolka mudug halkaasi oo horay shaqaaqooyin uga aloosnaayen iyadoo sidoo kale ay jirto tuhun ku aadanaa inuu qayb ka ahaa falki lagu dilay wasiir ka tirsanaa Puntland oo lagu dilay Magaaladda Gaalkacyo si aan wax uga ogaano qaabki loo xiray G/hore ee Mudug C/nuur geesey ayaan la xiriirnay Ilo xog ogaal ah oo ku sugan Magaaladda Gaalkacyo iyagoo noo sheegay in xalay saqdii dhexe xoog lagu galay Gurigiisa oo ku yaala Gaalkacyo halkaasi oo tageen ciidamadda Amaanka Puntland oo amar u qabay inay soo qabtaan C/nuur Geesey lamase oga talabadda xigi doonta xariga C/nuur geesey.

Warar kale oo aan ka helayno Laamaha sirdoonka ee Puntland aya sheegaya in C/nuur geesey su'aalo lagu waydiinayo Saldhiga Gaalkacyo iyadoo loo saarey Guddi khubaro ah oo natiijo ka keena arrimaha lagu haysto C/nuur geesey G/hore ee Gobolka Mudug iyadoo Ciidamadda Amaanka ee Puntland wali ku hawlanyihin soo qabashadda wiilkiisa oo xalay dil gaystay.

Isku so wadda duubo arrimahan ka socda Magaaladda Gaalkacyo ee Puntland ayaa ku soo aadaya xili Magaaladda gaalkacyo ay ku suganyihin Masuuliyiinta Puntland sida Madaxweyne Faroole iyo M/kuxigeenka Puntland Mudane C/samad Cali Shire, Guddiga amniga qaranka oo uu ugu horeeyo Wasiirka Amniga iyo Masuuliyiin kale ayna Magaaladu ku jirto Xaalad Bandow ah.

www.ceegaag.com


 

webmaster@ceegaag.com