shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Faahfaahin ka soo baxaysa Sarkaal faransiis ah oo koox afduubayaal ah kaga baxsaday Muqdisho.

(Muqdisho,  August 27,  2009 Ceegaag Online)

Muddo ka badan labba asbuuc ayaa magaaladda muqdisho lagu haystay labba nin oo Faransiis ahaa kuwasi oo ahaa sida la sheegay tababarayaal la doonayay inay tababar u fidiyaan Ciidamadda Dawladda Somalia basle warar la xaqiijiyay maanta ayaa sheegaya in mid ka mid ah labbadi nin uu soo baxsaday isagoo saakana la keenay xarunta Madaxtooyadda ee Villa-Somalia.

Sarkaalka baxsaday ee ka mid ahaa labaddi nin ee faransiiska ahaa oo la afduubay todobaadyo ka hor ayaa Dawladda Somalia magaciisa ku sheegtay Mark iyadoo markii la shaaciyay Imaanshihisa Dawladda Somalia bayaan ka soo saartay bayaankaasi oo meesha ka saaray shaki iyo tuhuno soo baxayay oo sheegayay in labadi sarkaal soo baxsadeen waxaana dawlada Somalia sheegtay in mid ka mida uu yahay ninka soo baxsaday.

Haddaba saacado ka dib markii Mark soo gaaray xarunta Madaxtoyadda Villa-Somalia ayuu shir jaraa'id qabtay isago faahfaahiyay sidii uu usoo baxsaday"Waan soo baxsaday xalay saqdii dhexe waxaan anigu gacanta ugu jiray Maleeshiyadda Hizbul Islaam oo si fiican iila dhaqmi jiray Cunona isiin jiray hadaan faahfaahiyo sidaan ku soo baxsday aniga qol ayaan ku jiray qolkii ayaan si farsamaysan uga soo cararay markii ragi i haystay seexdeen waxaana 8 saac dhex ordayay Magaaladda Muqdisho anoo meel aan aado garan la'a ayaan saaka abaarihi 5:00 subaximo soo galay xero ay deganyihiin Ciidamadda Dawladda waxaa xusid mudan intii aan magaaladda dhex ordayay rasaas ayaa la igu soo furay tiro ka dhawrjeer mana garanayo waxa sababay" ayuu yiri la haystihii Faransiiska ahaa ee soo baxsday.

Ninkani faransiiska ah ayaa meesha ka saaray inay jiraan warar sheegaya inuu soo dilay saddex nin oo haystay isagoo sheegay inuu farsamoyin isticmaalay markii uu soo baxsanayay isagoo hoosta ka xariiqay inaanu la socon wakhtiga uu imaanayay Vill somalia maadaama buu yiri qalabkii uu watay oo saacadiisu ku jirtay ay ka furteen Dablaydii qafaalatay isagoo sidoo kale sheegay inaanu garanayn meesha uu ku suganyahay sxbkiisi kaleeto waxaana uu sheegay in kala meel lagu maxbuusay.

Isku soo wadda duubo haysashadda saraakiishan faransiiska ah ayaa waji gabax ku noqotay Dawladda Somalia maadama ay ahaayen tababarayaal Dawladu dalbatay balse warar si hoose usoo baxayay maalmihi ugu dambeeyay ayaa tibaaxayay in Lacag madaxfurasho ay qaadanaayan Maleeshiyadda Haysatay Nimankaasi faransiiska ah(Alshabaab iyo Hizbul islaam) balse wali waxaa gacanta Islaamiyiinta ku maqan ninkii kale ee lala afduubtay Marka.

www.ceegaag.com


 

webmaster@ceegaag.com