shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Dhimasho iyo Barakac ka dhashay Dabqabsaday Magaaladda Los Angeles ee Gobolka California.

           (California,  August 31,  2009 Ceegaag Online)      

Dab aad u xoogbadan ayaa ka kacay Magaaladda Los Angeles ee Gobolka California waxaana dabku noqday mid aad u awood badan ka dib markii Laamihi Dabdamiska u caalwaayen Daminta Dabka oo aad u heer sareeya iyadoo Dad gaaraya 12,500 oo qof guryohoodi laga saaray waxaana wararka soo ifbaxaya tibaaxayaan in ay ku dhinteen Dabka labbo ka mid ah Dabdamiyayaasha isku dayay inay Joojiyaan Dabka.

Qiyaasti Dabka ka kacay Magaaladda Losangeles ee Gobolka California ayaa sheegaya in 30 mitir oo kor ah Dabku jiro halka Dabku ku fiday Dhul gaaraya 14,000 oo Hektar waxaana Gubtay 35,000 oo acres sidoo kale dabka ka kacay Magaaladda Los Angeles ayaa u badan dhinaca Buuralayda Magaaladda halkaasi oo ah dhul kaymo le'ey ah.

Dabka ayaan la ogayn sababta balse Gobolkaasi ayaa caan ku ah Dab joogto ah oo ka kaca Maadaama uu kulaalo Dhul kaymo badan waxaana burburay 12,000 oo guri halka ay khatar ku jiraan hadda 2,500 oo kale, Dabka ayaa damiyay Raadiyayaasha iyo Televisionadda Magaaladda ka dib markii uu waxyeeleyay Qalabka ay ku laliyaan war Isgaarsiinta.                     

www.ceegaag.com


 

webmaster@ceegaag.com