shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Dawladda FKMG ah ee Somalia oo Digniin u dirtay Ajaanibta imanaya Somalia.

(Muqdisho,  August 14,  2009 Ceegaag Online)

Dawladda Federaalka KMG ah ee somalia ayaa Digniin u dirtay dadka Ajaanibta ah ee usoo safraya Somalia waxaana hadalkaas sheegay wasiirka Amniga Dawladda Somalia Mohamed Abdulahi iyadoo Maxamed cabdulahi ugu baaqay dadka ajaanibta ah inay soo maraan laamaha Socdaalka Somalia.

Hadalka wasiirka ayaa ku soo beegmay xili dhawaantan lagu dilay Gudaha Somalia todobo wadaad Tabliiq ah oo dhashadoodu tahay Pakistaniyiin iyadoo aan lala xiriirinayn siyaasada ka taagan somalia iyo danta ay u yimaadeen somalia oo ahayd inay faafiyaan diinta Islaamka.Mohamed Abdulahi ayaa bishii hore loo magacaabay Wasiirka Amniga Dawladda KMG ah ee somalia ka dib markii la kharaajiyay Wasiirki Amniga Dawladda Somalia waxaana hadalkan uu maxamed Cabdulahi ku sheegay waraysi uu siiyay Wakaaladda wararka ee Reuters.

Maanta ayaa digniintani u diray Ajaanibta isagoo sidoo kale sheegay inaanay jirin cid wax ka ogayd dilka loo gaystay wadaadada" waxaan uga digayaa wadaadada diinfidiyeenadda ah iyo ajaanibta kale inaanay mardambe somalia imaan iyagoo soo mara maahe laamaha socdaalka Somalia si loola socdo dhaqdhaqooqada Amni iyadoo la xaqiijinayo ujeedoyinka Socdaalkooda" ayuu yiri Maxamed Cabdulahi oo waraysi siinayay Reuters.

Laamaha amaanka ee reer Galbeedka ayaa horay u shegay in somalia noqotay meel hoy u ah Kooxo Islaamiyiin ah oo ka taliya badi somalia iyagoo sheegay in carqaladihi ugu dambeeyay lagu dilay in ka badan 18,000 oo rayid ah laga soo bilaabo 2007 iyadoo sidoo kale ay barakeceen ku dhawaad 1 million.

Dalka somalia waxaa uu fowdo ahaa ilaa 1991 xiligasi oo ay dhacday dawladi militaryga ahayd walaw uu maanta ka jiro Talis uu hogaamiyo Hogaamiye siyaasadeed oo da'yar Sheikh sharif sheikh axmed iyadoo maamulka Madaxweyne sharif ka taliyaan oo kaliya Meelo kooban oo ku yaala Magaaladda Caasimadda ah ee Muqdisho iyadoo ay halgan kula jiraan kooxo diimedka somalia sida Al-shabaab iyo Xizbul Islaam kuwaasi oo maraykanku la xiriiriyo Ururka Al-Qa'ida iyadoo dagaaladi ugu dambeeyay ee somalia ka soconayaan Gobolka galguduud ee Bartamaha somalia halkaasi oo lagu dilay ugu yaraan 16 halka la dhaawaay 20 kale dagaaladasi oo qayb ka ah dagaal diimedyada Ragaadiyay siyaasadda Somalia..

Abdirashid Maxamed Dahir
Rashid@ceegaag.com

webmaster@ceegaag.com