shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Dawladda Faransiiska oo qoraal ka soo saartay siidaynta shaqaale u shaqaynayay Hay'add samafal.

(Paris,  August 12,  2009 Ceegaag Online)

Dawladda wadanka faransiiska ayaa war qoraal ah ka soo saartay sii daynta shaqaale u shaqaynayay ha'add samafal oo aan dawli ahayn taasi oo qaabilsan la dagaalka Macaluusha waxaana lagu magacaaba"Action Against Hunger"ACF" Qoraalkani sida tooska uga soo baxay Madaxtoyadda faransiiska ayaa lagu soo dhaweeyay sii daynta shaqaalaha samafal waxaana lagu sheegay qoraalkani in Madaxweyne Nicolo Zarkozy soo dhawaynayo talaabadda lagu sii daayay shaqaalaha u shaqaynayay hay'addani oo u kala dhashay wadamadda Faransiiska iyo Belgium.

Qoraalkani ka soo baxay xarunta Madaxtooyadda ee paris ayaa lagu sheegay Bog Internet oo ay leedahay dawladda Faransiiska waxaana sidoo kale qoraalkani ka soo baxay Dawladda faransiiska lagu amaanay talaabadda lagu sii daayay shaqaalahan samafal iyo cidii gacan ka gaysatay sii dayntooda oo muddo 9 bilood ah u qafaalnaa rag hubaysan oo somali ah.

Shaqaalahani la sii daayay maalinimadi shalay ahayd ayaa waxay ka koobnaayen Faransiis,Belgium iyo Kenyan hadaba Dawladda Belgiumka ayaa sidoo kale ka hadashay sii daynta shaqaalaha u dhashay Belgium ee la si daayay waxaana warkani isna shaaciyay wasiirka arrimaha Dibedda ee dalka Belgium Lif Loterm.
Bayaan ka soo baxay Xafiisa Wasiirkaasi, ayaa lagu sheegay inay Dowladda Belgium ku faraxday Sii-dayntiisa, lana rajeynayo inay Labo Dhakhtar ee u dhalatay dalkaasi ee la sii daayey ay sida ugu dhaqsaha badan ugu soo laaban doonaan dalkooda hooyo.

Lixdaasi shaqaale ee la sii daayey oo shalay dib ugu laabtay caasimadda dalka Kenya ee Nairobi ayaa kala ahaa Labo Haween u dhalatay dalka Faransiiska, Labo Duuliye oo u dhalatay dalka Kenya, iyo Labo u kala dhalatay dalalka Belgium iyo Bulgaria.

Isku soo wadda duubo La-haystayaashaasi, ayaa waxaa la afduubtay bishii November ee sannadkii hore waxaana ay qeyb ka ahaayen Tiro ajaanib ah oo lagu haysto Bartamaha iyo Koonfurta somalia iyadoo wali lagu haysto Magaaladda Muqdisho labba weriye oo u kala dhashay Canadda iyo Australia kuwaasi oo lahaysto muddo gaaraysa Labba sano.

www.ceegaag.com

webmaster@ceegaag.com