shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Dawladda Canada oo shaacisay inay Ciidmadda ka jooga wadanka Afghanistan kala baxayso.

(Ottawa,  August 08,  2009 Ceegaag Online)

Dawladda wadanka Canada oo ka mida dawladaha ay ciidamadu ka joogaan Wadanka Dagaaladu aafeeyen ee Afghanistan ayaa shaacisay in ciidamadeda ay kala baxayso wadankaasi Afghanistan sanadka 2011 Hadalkani ayaa waxaa sheegay Wasiirka arrimaha Dibadda ee Dawlada Canada Lawrence Kanon iyadoo uu hadalkani u muuqday hadal uu kaga jawaabayay hadal dhawaantan ka soo yeeray Xoghayaha cusub ee Nato kaasi oo uu ku sheegay inay NATO ka xuntahay in ciidamadda canadda ka baxaan Afghanistan. 

Wasiirka hadalkiisa ayaa ahaa mid uu dib u soo cusbonaysiiyay ka dib markii uu horay u sheegay inay Ciidamadooda kala baxayaan Afghanistan NATO ayaa Codsanaysa inaan laga bixin Afqanistaan oo aan loo Cidleynin Xoogaga Xarakadda Daalibaan iyo Al-Qacido oo ay hadda kula jiraan Dagaalkii ugu Adkaa in mudo ah.

Wakaalada Wararka ee Suuriya "SANA" ayaa ka soo xigatay Wasiirka amuuraha Dibadda ee Canada wuxuuna yiri "Xukuumadayadu waxay Ixtiraamaysaa Go’aankii ay u Codeeyeen Golaha Baaralamaanka Canada sanadkii 2008 oo sheegayay in Ciidamada Canada laga soo bixiyo Afqanistaan 2011″.

Xoghayaha Cusub ee Gaashaanbuurta NATO Anders Fogh Rasemson oo Shalay ka hadlay Talefishinka Canada isaga oo ku gudo jiray Socdaal uu ku tagay Tuulo u dhaw Qandahaar oo ay joogaan Ciidamo Canadiyaan ah ayaa yiri "Dhabtii ma doonayo inaan Fara gashado Siyaasada Gudaha ee Dowlada laakiin Aragtida Gaashaanbuurta NATO waxa weeye inay Aad uga xuntahay sida Xaalku yahay, Arinkuna waxa weeye Go’aan kama danbeys ah oo ay Canada Qaadatay".

Isku soo wadda duubo dawladda wadanka Canada ayaa waxaa ay qayb ka ahayd faragelin caalami ah oo wadamadda reer Galbeedku ku sameyen Afghanistan sanadkii 2001 Canada waxaa Afqanistaan ka jooga 2800 (laba Kun iyo Shan Boqol) oo Askari oo ka mid ah NATO, waxaana laga dilay laga soo bilaabo sanadkii 2002 Askar gaaraysa 127.

www.ceegaag.com

webmaster@ceegaag.com