shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Wasiiro Ka tirsan DFKMG ah ee Soomaaliya oo maanta lagu dhaariyay Xarunta Madaxtooyadda ee Magaaladda Muqdisho (Sawiro).

(Muqdisho,  August 20,  2009 Ceegaag Online)

Iyadoo dhawaantan la isku shaandheyay Xubno ka tirsan Golaha wasiiradda DFKMG ah ee Somalia lana magacaabay Xubno cusub oo aan horay uga tirsanayn Golaha wasiiradda DFKMG ah ee Somalia ayaa waxaa maanta lagu dhaariyay Xarunta Madatooyada VILLA SOMALIA qaar ka tirsan Golaha wasiiradda oo isugu jira Wasiiro wasaaraded iyo Wasiiru dawlayaal.

Dhaartani la dhaarinayay xubnaha Golaha wasiiradda ee Somali ayaa waxaa munaasabad loogu sameeyay xarunta Madaxtooyada waxaana Goobjoog ka ahaa Madaxweynaha Somalia Sharif Sheikh axmed iyadoo ay soo xaadiren wasiirada cusub ee Dawlada lagu soo daray oo kala ah,Wasiirka Amniga Qaranka, C/llaahi Maxamed Cali oo isagu bedelay wasiirkii hore ee geeriyooday, wasiirka Gaashaandhigga Cabdalla Boos Axmed, oo isagu bedelay wasiirkii Gaashaandhigga Prof. Gaandi, wasiirka Beeraha Cabdi-casiis Xasan Maxamed (Laftagareen), oo isagu bedelay Wasiirkii hore ee beeraha Shaatiguduud, wasiirka cusub ee wasaaradda Lacagta Eng. Cabdi-raxmaan Omar Osman (Yarisow).

Sidoo kale munaasabadda Dhaarta ayaa waxaa ka soo qaybgalay wasiiru dawlayaasha lagu soo daray Xukuumadda Ra'iisulwasare Cumar Cabdirashid oo kala ah,Xasan Macalin oo ah wasiiru dowlaha Madaxtoyada, Khaalid Cali Cumar oo ah wasiiru dowlaha Xafiiska R/wasaaraha, C/rashiid Xidig oo ah wasiiru dowlaha Wasaaradda gudaha, C/llaahi Yuusuf Cigaal, wasiiru dowlaha Dastuurka iyo federaalka, C/llaahi Sh. Cali Qaloocow wasiiru dowlaha wasaaradda Qorsheynta iyo Iskaashiga caalamiga iyo wasiiru dowlaha Gaashandhigga Shekh Yuusuf M. Siyaad Indhacadde.

Dhaarta ayaa waxaa qaadayay Wasiirka Garsoorka iyo Cadaaladda Dawladda Somalia sheikh C/qaadir Janaqow ka dib dhaartana waxaa Dardaaran Jeediyay Madaxweynaha Somalia Sharif Sheikh axmed isagoo sheegay inaanay sahlan xilka loo magacaabay ee ay tahay inay sida loo faray waajibadkooda uga soo baxaan waxaana Madaxweyne sharif hoosta ka xariiqay inay jiraan Caqabado ku horgudban Dawladda Somalia.

Daawo Sawirada

webmaster@ceegaag.com