shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Dagaallo dib uga soo Cusboonday Ismaamulka Deegaanka Soomaalida ee Itoobiya.

(Goday,  August 15,  2009 Ceegaag Online)

Dagaallo isdaba joog ah ayaa bilihi ugu dambeeyay ka soo soconayay Dhulka Ismaamulka Somalida Itoobiya waxaana Dagaaladani u dhexeyaan Ciidamadda Itoobiya iyo Jabhadaha Dagaalka kula jira waxaana Dagaladani noqday kuwa isdaba joog ah maalmihi ugu dambeeyay Dagaaladi ugu dambeeyay ayaa dhacay Maalinti shalay ahayd waxaana Dagaalka Xoogiisu ka dhacay Duleedka Degmadda Abaaqarow ee Gobolka Godey.
 
Dagaalka Ka dhacay Gobolka Godey ee Ismaamulka Somalida ee Itoobiya ayaa faraha la isula tagay iyadoo Afhayeen u hadlay Jabhadda Gobanimo doonka ah ee ONLF shaaciyay in dagaalki ugu dambeeyay ee shalay ka dhacay Gobolka Godey ay ku dileen Askar farabadan oo Itoobiyaan ah isla markaasna ay jabiyeen Ciidamadda Itoobiya isagoo sheegay in Dulaanadi ugu dambeeyay ee ay ku qaadayeen Itoobiya qayb ka yihiin Halganka Umadda Soomali galbeed ku doonayaan inay Xoriyad buuxda ku helaan.
 
Dagaalkan ayaa noqonaya Midkii labaad ee ay Ciidamada Midowga Jabhadda Xoraynta S/galbeed Todobaadkan Gudihiisa kula galaan Gobaladda kala duwan ee Dhulka S/galbeed ka dib markii Dagaalo kale oo aad u kharaar ka maalmihi ugu dambeeyay ka dhacayeen Deegaanadda Qoryolalis oo ka tirsan Gobolka Jarar,Ceel ogaadeen iyo Dalaad oo ka wada tirsan Gobolka Qoraxay iyadoo dagaaladasi sababeen Khasaare nafeed oo aad u baxaadweyn walaw ay adagtay in Isgaarsiin lagula xiriiro deegaanadasi.
 
Isku soo wadda duubo Dagaaladani ayaa imanaya xili Gudoomiyaha Jabhadda ONLF Adm Maxamed Cumar Cismaan shaaciyay inuu ka soo laabtay Dagaalo uu la galay Ciidamadda Itoobiya isla markaasna ay Jabhadda ONLF laba jibaari doonto Dagaalka ay ugu jirto sidii ay Gobanimo u heli lahayd isagoo sheegay in ay soo carfayso xoriyadi Umadda Somali galbeed heli lahayd wakhti xaadirkan waa sida uu hadalka u dhigaye.

Abdirashid Maxamed Dahir
Rashid@ceegaag.com

webmaster@ceegaag.com