shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Dagaal ka dhacay Gobolka JigJiga ee Ismaamulka Deegaanka Soomaalida.

  (Jig-Jiga,  August 29,  2009 Ceegaag Online) 

Dagaal aad u kharaar ayaa ka dhacay Maalinimadi shalay ahayd Gobolka Jigjiga ee Deegaanka Ismaamulka Somalida Itoobiya waxaana Dagaalkani ka dhacay Goob lagu magacaabo Bula-Dari oo ka tirsan Jigjiga sida ay wararku sheegayaan Dagaalkani ka dhacay Gobolka Jigjiga ee Ismaamulka Somalida ee Itoobiya ayaa yimi markii Ciidamada ONLF weerararo isdaba joog ah ku qaadeen Tuuladda Bula-dari halkaasi oo uu ka dhashay Khasaare aad u baaxadweyn.

Saraakiil ka tirsan Jabhadda xoraynta Ogadenya ayaa sheegay in ay Dagaalka khasaare ugu gaysteen Ciidamadda Itoobiya iyo qaar ka mida Somalida taageerta ee Deegaanka waxaana ay hoosta ka xariiqeen inay weerarkani ku doonayen inay ku xoreyaan Dadka degan Deegaano ka tirsan Gobolka Jigjiga halkaasi oo ay sheegen in waxyaaleeyin kala duwan ay ciidamadda Itoobiya ugu gaysteen dad shacab ah oo deegaanka ka soo jeeda.

Sidoo kale Dagaalo kuwani la xiriirsan ayaa ka dhacay Tuuladda Kudunbuur ee Gobolka jarar halkaasi oo la sheegay in lagu arkay Maydka Askar itoobiyan ah iyo somali taageerta oo dadka deegaanka ah iyadoo dagaal kaasi raacsisan maalintii doraad ahayd ka dhacay deegaanadda,ceelmaxidha oo ka tirsan Degmadda dannood ee Gobolka Doollo,Duudciid oo ka tirsan Gobolka qoraxay iyo Tuuladda Cabaadley oo dhaamantood ka tirsan Dhulka Ismaamulka Somalida ee Itoobiya.

Isku soo wadda duubo Dagaaldani ka dhacay Deegaanka Ismaamulka Somalida ee Itoobiya ayaa qayb ka ah Dagaalo isdaba joog ah oo bilihi ugu dambeeyay ka dhacayay Deeganadaasi ku xeeran Itoobiya.

www.ceegaag.com


 

webmaster@ceegaag.com