shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Cuduro faro ba'an ku haya Xoolo dhaqatadda Soomalida.

(Somalia,  August 09,  2009 Ceegaag Online)

Iyadoo ay abaaro ba'an iyo biyo la'aan baahsan ka jirto Badi Goboladda Somalia ayaa hadana waxaa sii kordhaya Tiradda xoolaha Nool ee u dhimanaya Cuduro aan la aqoonin xoolaha ayaa waxaa la so gudboonaday Abaar aad u daran wakhtigan lagu jiro iyadoo wakhtigani yahay wakhti Roobki Gu'ga uu noqday mid yaraaday halka Abaartiina dib usoo laba kaclaysay waxaana loo aaneynayaa Cuduradda cusub ee xoolaha hadda ku yimi inay la xiriirto Abaarta iyo Biyo la'aanta ka jirta Badi Goboladda Somalia.

Qaar ka mida Goboladda Dhexe iyo Koonfurta Somalia ayaa waxaa laga soo sheegaya in xoolaha nool ee isugu jira Riyaha iyo Idaha lagu arkay cuduro aan la aqoon kuwaasi oo xoolaha qaar u dhinteen waxaana cuduradani ay yihiin kuwo dadka reer guuraga anaay aqoon durugsan u lahayn Tuulooyinka iyo Dhulalka Miyiga ee hoosyimaada Degmadda Dhuusa mareeb ee Bartamaha Somalia ayaa laga soo sheegaya in xoolaha isugu jira Riyaha iyo Idaha ee deegaanadasi ku dhaqani la soo gudboonaden cuduro aan la garanayn kuwaasi oo dadka reer guuraagu cabashoyin ka muujinayan.

Sidoo kale Degmooyika Ufuroow iyo Qansax Dheere ee gobolka Bay waxaa ay ka mid yihiin goobaha inta badan ay deegaansanayaan xoolo dhaqatada,waxaana haatan laga soo sheegayaa in xoolihii halkaasi ku noolaa uu haleelay cudur aan la aqoon,waxaana xoolo dhaqatada deegaankaasi sheegeen in maalintiiba degmooyionka Qansax dheere iyo Ufuroow ay Cuduro aan la aqoon ugu geeriyoodaan ku dhawaad 20-neef.

Sidoo kale Qaar ka mida Goboladda Puntland ayaa waxaa ka jira cuduro fara ba'an ku haya Xoolo dhaqatadda reer Guuraaga ah Sida uu ii sheegay Gudoomiyaha Degmadda Xingalool ee Gobolka Sanaag Xoolo dhaqatadda Gobolka sanaag ayaa iyana waxaa xoolohoda la soo gudboonaday Cuduro ay ka mid yihiin,Furuqa,Ulsidka iyo Cadhada oo buu yiri xoolaha qaar kood u dhinteen waxaana uu intaasi ku daray inuu baaq u jeedinayo Wasaaradda Xanaanadda xoolaha iyo ha'adaha Daryeelka xoolaha ee ka hawlgala Goboladda Puntland inay Baaritaano caafimaad ka sameyan Xoolaha ay cuduradani la soo gudboonaden iyadoo sidoo kale Cuduradani lagu sheegay xoolo dhaqatadda Gobolo ka mida Puntland.

Isku soo wadda duubo Dadkii reer guuraaga ahaa ee ku dhaqnaa dhulalka miyiga ah ayaa waxaa ay isugu so guureen xoogagi Roobka ahaa ee ka da'ay dhulka waxaana ay kaliftay in Baadki iyo biyihi Guraan taasina ay horseedo cuduro ku yimaadda xoolaha nool waxana dadka xoolo dhaqatadda ah u aanaynayaan in cuduradani ay keentay Abaarta daba dheeratay ee la soo gudboonatay Dadka reer guraaga ah .

www.ceegaag.com

webmaster@ceegaag.com