shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Dagaal u dhexeeya S/land & P/land oo Sababay Dhaawaca 4 qof oo Buuhoodle ka dhacay.

(Buuhoodle,  August 06,  2009 Ceegaag Online)

Dagaal lama filaana ayaa Saaka waabarigii ka dhacay Degmada Buuhoodle, Dagaalkan ayaa bilowday markii Ciidamo taabacsan Maamulka Somaliland ay weerar gaadmo ah ku qaadeen Saldhiga Booliska Buuhoodle oo ay ku sugnaayeen Ciidamo iyana taabacsan Maamul Goboleedka Puntland.

Dagaalkan ayaa sababay Dhaawaca 4 nin halka la sheegay mid ka mid ah dadkii ku dhaawacmay in ay xaaladiisu aad u culustahay.

Dadka ku dhaawacmay dagaalkan oo labada dhinac ukala safnaa ayaa magacyadoodu yihiin sidan hoos ku qoran. 

  1. Ina Muuse Shalanshooli
  2. Ducaale qanjidh
  3. Ina C/llaahi Biixi
  4. iyo wiil uu dhalay Ina Jaamac Gudal

Iyadoo Magaaladu ku jirto Xili Saqdhexe ah ayaa hadana waxaa gudaha Magaalada laga dareemayaa Dhaqdhaqaaq Ciidan & Gurmad labada dhinac ah iyadoo naloo xaqiijiyay in Ciidamada taabacsan maamulka Somaliland ay ahaayeen 70 Askari oo horey uga tirsanaanjiray Ciidanka Puntland balse todobaad ka hor ka goostay Maamul Goboleedka Puntland una galay Maamulka Somaliland.

Wixii war ee faahfaahsan kala soco Shabakada Wararka Ceegaag Online.

webmaster@ceegaag.com