shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Bashiir Makhtal Daahir oo lagu xukumay Xabsi daa’im.

(Addis Ababa.  August 03,  2009 Ceegaag Online)

Maxkamada sare ee Magaalada Addis Ababa ayaa maanta xukun Xabsi daa’im ah ku Xukuntay Bashiir Axmed Makhtal oo muddo 3-sanno ku xidhnaa Xabsi ku yaala Addis Ababa.

Dowlada
Ethiopia ayaa isbuucii lasoo dhaafay sheegtay in Bashiir Makhtal ay ku heshay 3-dambi oo kala ah inuu xubin sare ka ahaa Urur dagaal hubaysan kula jira Ethiopia, kicin,dhiiri gelin iyo taakuleeyn Ururo dagaal hubaysan kula jira Ethiopia.Waxay kaloo Ethiopia.. Bashiir ku eedaysay inuu taakuleeyn jiray Ururkii Maxkamadaha Islaamiga ee bishii June 2006 qabsaday inta badan Koonfurta Somalia. Bashiir ayaa waxyaabaha lagu eedeeyay diiday oo ku tilmaamay waxba kama jiraan.

"After finding the defendant Bashir Makhtal guilty on all counts last week, the court sentences the defendant to life in prison," said Adem Ibrahim who chaired a three-man panel of judges.

"Kadib markii eedaysanaha isbuucii lasoo dhaafay lagu helay dambiyadii lagu soo oogay oo dhan waxay Maxkamadu ku xukuntay eedaysanaha Xabsi daayin (Cimri xadhig)" ayuu yidhi Adam Ibrahim oo ahaa gudoomiyaha sedexda Garsoor ee go'ankii maanta gaadhay.

Garwadeenkii dambiga ku oogayey Bashiir Makhtal ee ka socday dhinaca Dowlada ayaa ku dooday in Bashiir Makhtal lagu xukumo dil inkastoo arintaas aysan qaadanin Garsoorayaashii dacwada Qaadayey.

Dhanka kale garwadeenkii Bashiir Makhtal ayaa ku dooday in xukunka laga khafiifiyo Bashiir maadaamo buu yidhi uu mudo badan xabsiga lagu hayey wuxuu kaloo sheegay in isbuuca soo socda uu abiil (Appeaal) ka qaadan doono xukunta maanta lagu riday Bashiir.

Bashiir Makhtal ayaa 150 qof oo uu kamid ahaa daba yaaqadii sanadkii 2006 laga qabtay xadka u dhaxeeya Kenya iyo Somalia xili ay ka baxsanayeen dagaaladii ka socday Somalia ee u dhaxeeyay Midowgii Maxkamadaha Islaamiga iyo ciidamadii Ethiopia.

www.ceegaag.com

webmaster@ceegaag.com