shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Arday ku Dhimatay Dab ka kacay Dugsi waxbarasho oo ku yaala wadanka Tanzania.

(Tanzania,  August 24,  2009 Ceegaag Online)

Dabkani ayaa ka qarxay Dugsi waxbarasho oo ku yaala Tanzania gaar ahaan  Magaaladda Arenga oo 460 KM u jirta Caasimadda Wadankaasi ee Daarusalaam sarkaal ka tirsan Ciidamadda Amaanka ee Tanzania ayaa warfidiyeenadda u sheegay in Aay ku dhinteen 12 Gabdhood oo ka mid ahaa Ardaydii meesha wax ka baranaysay.

Sarkaalkan ka tirsan Ciidamadda Amaanka ee Wadanka Tanzania ayaa wakaaladda wararka ee Reuters u sheegay in Dabkan uu ahaa mid ka kacay Shumac ay shidatay mid ka mida ardayda oo ku sugnayd hoyga laga seexdo Dugsiga Dhexdiisa.

Sarkaalkan ayaa intaas ku daray in dabku uu wada gaaray dhisamaha Iskoolka islamarkaana ay ku dhinteen 12kamid ahaa ardaydii Iskoolkaasi halka dhaawacyo kala duwan ay soo gaareen 20arday oo kale iyadoo Kooxaha Badbaadada ay markiiba gaaren goobta uu dabku ka kacay iyagoo ka soo saaray dhamaan ardaydii ku sugnayd halkaasi iyagoo kuwii ku dhaawacmayna  u gudbiyay Rugaha caafimaad ee Magaaladda Arenda.

www.ceegaag.com


 

webmaster@ceegaag.com