shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Waa sidee Xaalada Magaaladda Gaalkacyo Dilkii Wasiirki Warfaafinta ka dib?.

(Gaalkacyo,  August 09,  2009 Ceegaag Online)

Magaaladda Gaalkacyo ee xarunta Gobolka mudug waxay ku taala meel xuduud ah iyadoo Gaalkacyo ay deris la tahay Goboladda Koonfurta Somalia iyo Kililka Shanaad ee Itoobiya ayaa hadana waxay tahay meel aan sharcigu sidii la rabin uga shaqayn Magaaladda Gaalkacyo waxay Madaxda Puntland ku tilmaami jireen Goob furin ah oo aanay ahayn in muhiimadd la siiyo sida Muhiimadda amaanka loo siiyo Magaalooyinka Bosaso iyo Garowe waxaana Magaaladda Gaalkacyo noqotay meel lagu dilo dadka Birimagaydada ah sida,Nabadoonadda,Aqoonyahanadda iyo Waxgaradka.

Dawladda Puntland waxay muhiimadda siisay Magaaladda Gaalkacyo ka dib dilkii wasiirki Warfaafinta Alla ha u naxariiste Warsame cabdi shirwac(Seeftabanaanka) waxaana Markii la aasayay wasiirka warfaafinta Puntland aaskiisa ka qaybgalay Badi xukuumadda Puntland oo uu ugu horeeyo Madaxweyne C/raxmaan Faroole,Madaxweyne ku/Xigeenka Gen:C/samad cali shire iyo Qaar ka mida golaha wasiiradda iyo Xildhibaanadda Baarlamaanka Puntland shacabweyne aad u farabadan oo reer gaalkacyod ah ayaa iyana goobta ku sugnaa waxaana dadku usoo jeedinayen Xukuumadda inay gacan bir ah ku qabato dadkii ka dambeeyay dilka Wasiirka balse waxaa aad loo tixraacay hadalkii Madaxweyne Faroole ka jeediyay Goobta Aaska oo ahaa "Shacabka waxaan ugu baaqaya shacabka reer gaalkacyod inay la shaqeyan Ciidamadda Amaanka waxaan uga digayaa cidii isku dayda inay difaacdo dambiilaha lagu helo Dilka Wasiirka in Sharciga la horgayn doono Hana la ogaado cid kasta sharciga ka wayn".

Shacabka reer gaalkacyod waxaa ay aad u danaynayaan Nabad buuxda balse waxa Dawladda Puntland cadaysay in la aqoonsaday cidii dilka gaystay ayna gacan bir ah ku qabanayso taasi oo loo tixraacay Hadal uu saxaafadda ka sheegay Gud:Gobolka Mudug C/nuur geesay kaasi oo uu ku sheegay inay dilka geysteen rag ay isku hayb yihiin taasi oo dad badani hooska ka xariiqen aqoonsiga Dilka wasiirka waxaana C/nuur geesay ka maqnaa Aaska wasiirka isagoo ilaa hadda aan joogin Gaalkacyo waxaana dad badani walwal ka qabaan inuu dilka wasiirku salka ku hayo markii Ciidamo uu wato C/nuur geesay lagu weeraray Deegaanka Cagaaran halkaasi oo lagu dilay mid ka mida Ilaaladiisa.

Madaxweyne Faroole waxaa uu qaaday talaabooyin intii uu ku sugnaa Magaaladda Gaalkacyo waxaana uu madaxweyne Faroole la kulmay Nabadoonadda iyo Waxgaradka Beeshi wasiirku ka dhintay isagoo u sheegay inay is dajiyaan oo ay ka warsugaan Talaabadda Dawladda taasi oo odayaashina ku waafaqen iyadoo sidoo kale ay ahayd maalinti shalay markii war qoraal ah oo uu soo saaray M/ku xigeenka Puntland C/samad cali shire lagu sheegay in Magaaladda Gaalkacyo xaalad degdega la geliyay oo magaaladda lagu soo rogay Bandaw Habeenki taasi oo la sheegay inay qayb ka tahay Talaaboyin lagu xakamaynayo Amaanka Gaalkacyo waxaana warar hoose sheegayan in Madaxweyne Faroole Go'aan adag ka qaadanayo Xaaladda Gaalkacyo.

Isku soo wadda duubo Dilkii wasiirka Warfaafinta Puntland Waxaa uu noqday Imtixaan adag oo horyaala Xukuumadda Mr:Faroole waxaase la sugayaa halka ay ku dhamaandato Socdaalka Nabadda ee Xukuumada Madaxweyne Faroole.

Abdirashid Maxamed Dahir
Rashid@ceegaag.com

webmaster@ceegaag.com