shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Bishaaro Somalia oo laga arkay Bisha baraykaysan ee Ramadaan.

(Boosaaso,  August 21,  2009 Ceegaag Online)

Iyado maalmihi ugu dambeeyay si aada Dunida Muslimka looga sugayay Dhalashadda Bisha Barakaysan ee Ramadan ayaa Caawa fiidkii waxay ka dul curatay Goboladda Somalia Bisha baraykaysan ee Ramadan waxaana Dhalashadda bisha laga arkay Magaalooyinka, Ceegaag, Laascaanod, Buuhoodle Bosaaso, Qardho, Garowe, Gaalkacyo Hargeysa, Burco & Boorame iyo Deegaano kale waxaana sidoo kale aragtida Bisha ii xaqiijiyay Dr Wayrax Axmed oo jooga Magaaladda Awrboogays ee Gobolka Sool.

Dhalashadda bisha baraykaysan ee Ramadan ayaa ah mid dadku aad u soo dhaweeyen iyadoo aad arkaysid Damaashaad farxad xambaarsan oo dadku ku soo dhawaynayaan Dhalashadda iyo curashadda Bisha baraykaysan ee Ramadan waxaana aragtida Bisha baraykaysan ee Ramadan meesha ka saaraysaa shaki badan oo culimadda soo kala dhexgeli  jiray iyadoo la isku xujaynayo Aragtida Bisha baraykaysan ee Ramadan halka kuwo kalena ay la soomi jireen Dunida Islaamka ah ee laga arkay Bisha Barakaysan ee Ramadan.

Hadaba si aan xog uga ogaado sidii dadka Soomalidu isugu diyaarinayaan Bisha Ramadan waxaan Tegay suuqa weyn ee Magaaladda Bosaso maanta waxaana halkaasi iiga muuqanayay mashquul badan oo suuqa dhexdiisa ah iyadoo dadka rayidka ah adeeganayeen Badeecadda Soomka lagu afuro sida,Timirta,Boorashka iyo Raashinka kale ee Quutul Daruuriga ah.

Dhamaan Maamulka iyo Shaqaalaha Shabakadda Warbaahinta Ceegaag Online Waxay akhristayaasha leeyihiin, RAMADAAN KARIIM, RAMADAAN KARIIM, RAMADAAN KARIIM.

www.ceegaag.com

 

webmaster@ceegaag.com