shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Ra’iisal Wasaare Cumar C/rashiid oo socdaal uga bilaabmay Puntland.

(Gaalkacyo,  August 17,  2009 Ceegaag Online)

Waxaa galabta ka soo Degay Garoonka Dayuuradaha ee Magaaladda Gaalkacyo Raysalwasaare Cumar C/rashid cali sharmaarke iyo wafdu balaaran oo uu hogaaminayo waxaana Reysalwasaaraha Galabta ku soo dhaweeyay Garoonka Dayuuradaha ee Magaaladda Gaalkacyo Dadweyne shacab ah oo aad u farabadan,Ururadda Bulshadda iyo Masuuliyiin ka socota Xukuumadda Puntland oo uu ugu horeeyo Madaxweyne Faroole.
 
Wafdiga Raysalwasaaraha ayaa waxaa ka mida xubno ka tirsan Baarlamaanka iyo Golaha wasiiradda Dawladda Federaalka KMG ah ee Somalia waxaana ka mida Wasiirka Ganacsiga Dawladda Somalia C/rashiid Ciro,Madoobe nuunow,Ashacari iyo xubno kale waxaana Wafdiga Raysalwasaaraha loo galbiyay Hotel "Taar" ee Magaaladda Gaalkacyo halkaasi oo uu horay u deganaa Madaxweynaha Puntland C/raxmaan Faroole waxaana raysalwasaaraha u qorshaysan inuu maro Magaalooyinka,Gaalkacyo,Garowe,Qardho iyo Bosaso uu safarkiisa ku soo gabagebayn doono.
 
Intii uusan Raysalwasaaruhu soo gaarin Puntland ayaa waxaa laanta Afka Englishka ah ee BBC waraysi uu siiyay wasiirka Warfaafinta Somalia Farxaan cali maxamuud ku sheegay in Ujeedada socdaalka Raysalwasaaraha ay ku salaysantahay wadaxaajood dhexmara Dawladda Somalia iyo Maamulka Puntland maadaama buu yiri Puntland ay udub dhexaad u tahay Dawlad kasta oo somalia laga yagleelo isagoo intaasi raaciyay in ay muhiimadu tahay sidii ay labadda dhinac isaga kaashan lahaayen Dhinaca militaryga iyo sidii loo xalin lahaa xaaladaha qalafsan ee ka taagan Somalia.

Abdirashid Maxamed Dahir
Rashid@ceegaag.com

webmaster@ceegaag.com