shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Ra'iisal Wasaare Sharmaarke oo si diiran loogu soo dhaweeyay Magaalada Gaalkacyo.

(Gaalkacyo,  August 17,  2009 Ceegaag Online)

Ka dib markii uu Raysalwasaare Cumar C/rashiid sharmaarke soo gaaray Gudaha Magaaladda ayaa waxaa shir jaraa'id ku qabtay Hotel "TAAR" ee Magaaladda Gaalkacyo masuuliyin ka tirsan Dawladda KMG ah ee somalia iyadoo shirkaani uu qabtay Wasiirka Dastuurka iyo Arrimaha Federaalka Madoobe Nuunow waxaana uu kaga waramay Ujeedada socdaalka Raysalwasaaraha Wasiirka Dastuurku wuxuu cadeeyey in ay joogi doonaan labada Maalin ee fooda nagu soo haysa, isla markaasna ay waxyaabo badan kala hadli doonaan dowladda Puntland oo uu sheegay in ay ugu muhiimsan yihiin Arrimaha Iskaashiyada amaanka, Siyaasada iyo Deeqaha lahelayo.

Mr. Madoobe Nuunow Maxamed wuxuu tilmaamay in ay dowladda Puntland tahay mid ka mid ah tiirarka dowladda Soomaaliya ay ku taagan tahay, isla markaasna ay waajib ku tahay dowladda Soomaaliya in ay utimaado kalana hadasho waxyaabo badan oo iskaga xiran dhinacyada.

Madoobe Nuunow ayaa yiri " Puntland waxa ay utaagan tahay Astaan Soomaaliyeed oo mideysan, waxa ayna shacabkeedu doonayaan Soomaaliya oo nabad gasha, isla markaasna ay waxyaabo badan oo horumar dadkeedu ubaahan yihiin, marka Waajib ayay nagu tahay in aan kala qeybqaadano"

Wasiirku wuxuu ku sheegay in ay mudo dheer dhowrayeen mar uun in ay socdaal shaqeed ku yimaadaan Puntland, balse wuxuu qiray in ay jireen dhibaatooyin badan oo marba soo baxayay, isla markaasna ka hor imaanayay in ay wafdigu soo baxaan Puntland.

Saacadaha nagu soo aadan ayay bilaaban doonaan wada xaajoodyadu, waxaana wada hadalada ugu horeeya noqon doonaan kuwa laga bixiyo hadalo kala gedisan ama ay noqdaan wada xaajoodyo hordhac ah.

Daawo Sawirada

Abdirashid Maxamed Dahir
Rashid@ceegaag.com

webmaster@ceegaag.com