shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Dagaalo ka dhacay Ismaamulka Somalida ee Itoobiya.

(Kililka.  August 05,  2009 Ceegaag Online) 

Qaar ka mida Goboladda Ismaamulka Somalida ee Itoobiya ayaa waxaa hareeyay Dagaalo isdaba joog ah oo dhexmarayay kooxaha Gobanimo doonka ah ee ONLF iyo Dawladda Itoobiya.

Degmada jarar waxa ay ku taalaa Ismaamulka Somalida ee Itoobiya waxaana maalmihi ugu dambeyay ka soconayay Dagaalo isdaba joog ah oo dhexmarayay Garabka Gobonimo doonka ee Ogadenya iyo Dawladda Itoobiya.

Wararka laga helayo Degaanadda xero jaarso iyo Baasuuke oo ka wada tirsan Ismaamulka somalida ee Itoobiya ayaa sheegaya in dagaalo hubaysan ay maalmihi ugu dambeeyay halkaasi ka soconayen iyadoo dagaaladani dhexmarayay labadda dhinac ay ku dhinteen dad gaaraya 40 oo dagaalka kaga jiray Jabhadda Gobanimo doonka ismaamulka somalida ee ONLF iyo Dawladda Itoobiya waxaana dagaaladani ku sii fideen deegaano kale sida Degmooyinka Dhagaxmadaw iyo Mudulka oo iyana ku yaala  Ismaamulka somalida ee Itoobiya.

Dagaaladani ayaa yimi kadib markii Ciidamadda Jabhadda xoraynta Ogadenya ay weeraro ku qaadeen xeryo cidan oo ku yaala degaanadasi waxaase khasaaraha dagaalka noqday mid kor u kacay iyadoo isgaarsinta iyo xogta dagaalka oo yarna aanay suurtoobayn in la ogaado Khasaaraha Dagaaladda ka soconaya dhulalka ku teedsan hawdka ee Goboladda Ismaamula somalida ee Itoobiya waxaana la sheegaya in xeryo ciidan oo ku yaala Degmoyinka Sagaga iyo Garbo  ay ka dheceen dagaalo isdaba joog ah kuwaasi oo lagu weeraray Ciidamadda Ethiopia ee kusugnaa halkaasi.

Jabhadda xoraynta somali Galbeed ee ONLF ayaa sheegatay in dagaalka ay ku laysay ciidamo farabadan oo Ethiopian ah, waxayna sheegeen in weeraradu yihiin kuwa isdaba joog ah iyadoo warbixinadda saxaafadu ka heshaa ay yar yihiin degaanadasi maadama aanay jirin xoriyad warfidiyen iyo warar toos uga soo baxaya Khasaraha dagaaladda badanaa ka dhaca Goboladda Ismaamulka Somalida ee Itoobiya.

www.ceegaag.com

webmaster@ceegaag.com