shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Xaq Udirirka oo Dagaalkii ka baxay iyo Xukun u dirika oo bilaabay dagaal sokeeye oo Xukun Doon ah.

(Muqdisho, Sept  02,  2008 Ceegaag Online)

Wararka laga helayo magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in qaar ka mid ah hoggaamiyayaashii xoogagga wax iska-caabinta ay ka baxeen dagaalkii si ku-meel gaar ah kadib markii ay soo baxeen astaamo FITNO ah oo ay billaabeen shaqsiyaad ujeedooyinkii halganka u bedeley mid xukun u dirir ah isla markaana uu lumey nidaamkii kala sarreynta iyo kala amar qaadashada, iyagoo sheegey inaysan doonayn inay fidnadaas ka qayb galaan.

Wararka ayaa sidoo kale sheegaya in uu billowdey hardan awoodeed oo u dhexeeya hoggaamiyayaasha ciidamadii wax iska caabinta oo deegaannadii ay gacanta ku hayeen iyagu dib u kala qabsanaya.

Hoggaamiye kooxeedyo ay ku jiraan Yuusuf Indha-Cadde, Hoggaamiye kooxeedyo ka tirsan Firqooyinka JEBISO iyo Al-SHABAAB ayaa lasoo sheegayaa inuu ka dhex socdo hardan ay deegaannada ku kala qabsanayaan iyadoo cid walba ay goonideeda u sheeganayso inay meel hebla iyo deegaan hebla iyadu ka taliso.

Kooxahaas ayaa sidoo kale sheegey in aysan jirin qadiyad ay ku mideysan yihiin ama hoggaan ay ka amar qaataan oo kulmiya midna oo aan ka ahayn kooxahooda, mana jirto mabda' ay ku mideysan yihiin oo muuqda oo aan ka ahayn in koox waliba ay dano xukun doon ah wadato.

www.ceegaag.com

  

webmaster@ceegaag.com