shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

UNHCR "Mushkiladaha ka jira Somalia ayaa ku qasbay in dad badan ay naftooda ku haligaan Badda".

(Nairobi, Aug 10,  2008 Ceegaag Online)

Haya’dda Qaramada Midoobay u qaabilsan qaxootiga ee UNHCR oo warbixin ka soo saartay xarunteeda magaalada Geneva ayay ku sheegtay in dagaallada iyo colaadaha daba dheeraaday ee ka soconaya dalka Soomaaliya ay sabab u yihiin in kumanaan Soomaali oo u badan dhallinyaro ay isku biimeeyaan safarro dhinaca badda ah.

Warbixintu waxay sheegtay in bishii August ee sanadkan 2008 ay dad ka badan 1700 qof ay ka soo gudbeen biyaha gacanka cadmeed iyagoo ku soo safray 59 doon oo nooca foolfaha ah, waxayna tirad doomahan tahriibayaasha sida ay labalaab ka badan yihiin tiradii bishii August ee sanadkii 2007 soo gaaray xeebaha dalka Yemen gaarayay ilaa 10 doomood.

Afhayeen u hadlay Hay’adda UNHCR ayaa sheegay in tahriibayaashan Soomaalida ah ay u muuqdaan kuwo naftooda ka quustay oo ku socda labo waddo midood oo kala ah: nolol ama geeri, isagoo taasi u sababeeyay rabshadaha aan dhammaadka lahayn ee ka jira dalka Soomaaliya oo rajo beel iyo niyad jab ku abuurtay shacabka Soomaaliyeed gaar ahaan dhalilnyarada.

Afhayeenka wuxuu intaasi ku daray in horaanta bisha September ee sanadkan ay 12 qof oo tahriibayaal Soomaali ah iska tuureen dooni laash ah oo ay saarnaayeen kaddib markii ay is rasaasayn ay dhex martay naaquudayaasha doonida iyo askarta ilaalada xeebaha dalka Yemen.

Hay’ada UNHCR waxay warbixinteeda ku sheegtay inay shacabka Soomaaliyeed gaarsiinayaan fariin nuxurkeedu yahay inaanay marnaba ku fakarin inay naftooda ku biimeeyaan safarrada dhinaca badda ah

www.ceegaag.com


 

  

webmaster@ceegaag.com