shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Maxamed Dheere oo shalay xilkii ku wareejiyay gudiga maamulka gobolka Banaadir.

(Muqdisho, Sept 14,  2008 Ceegaag Online)

Xaflad si weyn loo soo agaasimay oo ka dhacday xarunta maamulka gobolka Banaadir ayaa maanta xilkii waxaa ku wareejiyay gudoomiyihii hore ee maamulka gobolka Banaadir Maxamed Cumar Xabeeb (Maxamed Dheere) iyagoo ay goobjoog ka ahaayeen gudoomiyaha ku meel gaarka ah ee dhawaan uu madaxweynuhu magacaabay iyo ku xigeenkiisa.

 

Maxamed Dheere ayaa warbixin dheer halkaasi ka soo jeediyay isagoo amanay doorkii waxqabad ee ay maamulkooda ka qabteen magalada intii ay joogeen, waxuuna soo bandhigay shax uu ku sheegay qaabkii uu u baxay daqliga soo galay maamulka intii uu joogay.

 

Maxamed Dheere ayaa cadeeyay in maamulka gobolka deyn ahaan loogu leeyahay lacago gaaraya $114,229 oo ay lahaayeen dad gaar ah, waxu kaloo sheegay inay jirto in $96,000 oo kalena ay deyn uga maqan tahay maamulka gobolka, Maxamed Dheere ayaa howlwadeenada maamulka gobolka ku booriyay inay la shaqeeyaan gudigan cusub si ay howlahooda ugu fududaato.

 

Sida ku cadayd wareegtada Madaxweynaha oo ahayd in la wareejiyo waxii hanti qaran ah ee uu maamulka hayo ayaan meesha ka dhicin iyadoo la wareejiyay oo kaliya dukumintiyo balse aysan jirin gaadiid iyo alaabo kale oo laga gudoomay maamulkii hore.

www.ceegaag.com

 

  

webmaster@ceegaag.com