shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Madaxweynaha Somaliland oo Shahaado Sharaf Gudoonsiiyay Isu-duwaha UN/AIDS ee Somalia/Somaliland.

(Hargeysa, Sept 10,  2008 Ceegaag Online)

Madaxweynaha Somaliland Mudane Daahir Rayaale Kaahin ayaa maanta shahaado sharaf gudoonsiiyay Mr Leo Kenny oo ahaa Isu-duwaha Hay’adda la Dagaalanka Aafada Cudurka Aids-ka UN/AIDS ee Somaliland iyoSoomaaliya.

Mr Leo Kenny oo Qaramada Midoobay u qaabilsanaa La Dagaalanka Cudurka Aafada AIDS-ka waxa uu ka shaqaynayay Somalia/Somaliland tan iyo sanadkii 2004-kii , waxana hadda loo wareejiyay xafiiska Hay’adda Aids-ka ee QM oo ku yaala Magaalada Geneva.

Madaxweynuhu , waxa uu u sheegay Mr Leo Kenny markii shahaadada gudoonsiinayay in ujeedada shahaadada u siiyay ay tahay waxqabadkii iyo fir fircoonaantii uu ka muujiyay hawshii uu ka qabtay Somaliland mudadii u dhaxaysay 2004 ilaa 2008.

Kulankaasi shahaadada lagu gudoonsiiyay Mr Leo Kenny waxa kale oo goob joog ka ahaa Xoghayaha fulinta ee Guddida Somaliland u qaabilsan la Dagaalanka Aafada Aids-ka Maxamed Xuseen Cismaan “Muadan” , Dr Maxamed Rashiid oo ah wakiilka hay’adda UN AIDS ee Somaliland iyo Dr Deeq Siciid oo isaguna ah madaxa HIV/Aids ee hay’adda WHO.

www.ceegaag.com

  

webmaster@ceegaag.com