shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Dood Culus ayaa waxay ka taagan tahay in Xubnaha Golaha Deegaanka G/Banaadir lagu qeybsado 4.5 oo ay Dowladda KMG ku dhisantahay.

(Muqdisho, Sept 11,  2008 Ceegaag Online)

Iyadoo dhawaan la magacaabay Guddi Maamula Gobolka Banaadir iyo diyaarinta doorashooyinka Golaha degaanka Maamulka loo dhisi doono Gobolka ayaa waxaa soo baxaya warar sheegaya in qaab dhismeedka Gobolka uu noqon doono 4.5 oo ah qaabka ay ku dhisan tahay Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Guddoomiyaha guddiga KMG ee dhawaan loo magacaabay gobolka Banadir, Ibraahim Sh. Muxiyadiin, ayaa ka gaabsaday kaalinta uu hab-qaybsiga 4.5 ku yeelanayo maamulka cusub ee gobolka Banaadir.

Ibraahim Sheekh Muxiyadiin ayaa sheegay in guddiga dhawaan lasoo dhisay ee ka kooban 12-ka xubnood, ay goor dhow ka tashan doonaan kaalinta uu hab-qaybsiga 4.5 ku yeelanayo Gobolka Banadir, iyadoo uu jiro  cadaadis kaga imaanayo Beelaha degan Gobolka oo qaarkood ka hor imaan doonaan sida muuqata nidaamka 4.5 in wax lagu qeybsado.

Hadaba qaabkee wax u rabaan Beelaha kasoo horjeeda Nidaamka 4.5 ee ay ku dhisantahay Dowladda Federaalka Soomaaliya.

BEESHA MUDULLOOD.

Beeshan oo ka mid ah beelaha waa weyn ee Hawiye inta badan waxau is xijisaa lahaanshaha dhulka baaxada weyn ee ka kooban yahay Gobolka Banaadir waxayna doonaysaa in ay isku hesho Guddoomiyaha Gobolka Banaadir iyo Duqa Muqdisho lagamana yaabo sida ay yiraahdeen odayaasha beeshaas inay ku qancaan wax ka yar Labadaas jago inay ka helaan maamulka, oo noqon doontaa su'aasha adag ee soo wajihi doonto taageerada Ra'iisal Wasaare Nuur Cadde oo isagu beeshaas ka dhashay balse haddii labadaas jago beesha weyso waxaa meesha ka bixidoonta taageerada ay beesha u hayso Ra'iisal Wasaare Nuur Cadde.

H/GIDIR

Dad badan ayaa qaba in beesha H/gidir ay horseed u tahay kacdoonka siyaasadeed ee lagaga soo horjeedo siyaasadda Madaxweyne C/llaahi Yuusuf, dad kale ayaa aaminsan haddii aysan beeshan awoodo badan ku yeelan dhismaha gobolka Banaadir ama aysan helin duqa Muqdisho ama Guddoomiyaha Golaha degaanka wixii la dhiso ay noqon doonaan hal bacaad lagu lisay.

MURURSADE

Ka sokow beesha mudullood beeshan murusade waxay qabtaa in ay tahay beesha labaad ee lagu tixgeliyo gobolka Banaadir ay tahay, sidaas darteed kaalinta Beeshan Dhismaha Maamulka Gobolka Banaadir waa mid cad, waxay doonayaan in haddii Mudulood qaataan Guddoomiyaha Gobolka Banaadir,H/gidirna hesho Guddoomiyaha Golaha deegaanka iyadana ay u baahan tahay inay hesho Duqa Magaalada Muqdisho, waa qorshe ah 3-da jago oo ugu sareysa Maamulka Gobolka aan wada qaadano sadexdeena beelood.

BEESHA REER XAMAR

Waa iska cadahay in beeshan ay tahay beel nabadeed oo aan wax lug ah ku lahayn dagaaladii dalka ka dhacay iyo nidaam la'aanta ka jirta Caasimadda dalka, sidaas darteed beeshan xaq weyn ayay ku leedahay maamul kasta oo Gobolka Banaadir loo dhisayo, waana in lagu tixgeliyaa awoodaha sare ee Maamulka ama xubnaha ugu waa weyn.

HAWIYAHA INTIISA KALE

Ma cada kaalinta ay ku yeelan doonaan dhismaha Gobolka Banaadir Hawiyaha intiisa kale waxaaba dhici karta in tiro yar oo xubno ah ka helaan Maamulka sida xubnaha golaha degaanka oo kale, kumaba jiraanba orodka ay ku wada jiraan beelaha Abgaal, H/gidir iyo Murusade, waase dhici kartaa in ay wax is bedelaan.

BEESHA DAAROOD

Ugu yaraan beeshan Maamulka Gobolka banaadir waxay ka heli doontaa sida uu qorshuhu yahay kuxigeenada Guddoomiyaha Gobolka ama kuxigeenada Duqa magaalada iyo xubnaha Golaha degaanka, waayo maamulkii hada la kala diray waxay ku lahaayeen mid ka mid ah kuxigeenada Maxamed Dheere oo lagu magacaabi jiray Cabdi Xaashi Liibaan oo beesha Daarood ka dhashay.
 www.ceegaag.com

  

webmaster@ceegaag.com