shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Ciidamada Ethiopia ayaa isaga guuray Janta Kundisho kadib markay u caal wayeen xoogag Islaamiyiinta ee dagaalka ba'an kula jiray

(Baladwayne, Sept 26,  2008 Ceegaag Online) 

Wararka nagasoo gaaraya Caasimada gobolka Hiiraan ee Baladwayne ayaa sheegaya ina ciidamadii Itoobiyaanka ahaa ee kusugnaa agagaa Isaga carareen ka dib markii ay u adkaysan waayeen qumuca dagaal yahanada Islaamiyiinta oo baryahan aad u soo xoogaystay.

Ka bixida Itoobiyaanka ee Jantakurdisho ayaa ka dhigasa goboladadhexe ee Soomaaliya mid aanay ku sugnayn wax ciidan ah oo kasoo jeeda Itoobiya iyagoo u ruqaansaday dhinacaa iyo Soomaali Galbeed oo xoogaga ONLF dagaal ba'an kula jiraan si ay uga xoraystaan Dhulkooda Ogaadeeniya.

Ciidamada ayaana la kulmin wax weerara markay kabaxayeen, balse u eekaa kuwo aad isku ilaalinaya cabsi badinana hadhaysay.

Ciidamadan marhadii ayka badbaadeen Qumuca, Kooxaha ku kacsan dawlada Soomaaliya ayaan la filayn inay si sahal ah uga badbaadi doonaan qumuca ONLF.

www.ceegaag.com

  

webmaster@ceegaag.com