shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Xafladda Dhagax Dhigga Dhismaha Dugsiga Degmada Ceegaag

(Ceegaag, October 02,  2008 Ceegaag Online)

Iyadoo Mudadii 10 sano ahayd ee u dambaysay ay hay'adda dhinaca waxbarashada & Horumarinta reer Guuraaga qaabilsan ee Scerdo oo fadhigeedu yahay wadanka Kanada ay dhamaystirtay barnaamijyo lagu yagleelay xarumo waxbarasho oo cusub & Kuwo dib u dhis lagu sameeyayba ayaa maalintii shalay oo Ciidda barakaysan lagu jiray waxa ay dugsi cusub dhismahiisa ka bilowday Degmada Ceegaag, waxaana xafladda dhagax dhigga dugsigaasi ka qayb galay boqolaal Ruux & warbaahinta qaarkeed,

 

Wax yar ka dib Saladdii Ciidda ee maalintii shalay ayaa boqolaal ruux waxa ay isugu soo baxeen goobta dugsigaasi laga dhisayo oo ka mid ah Xaafadda Ceegaagta Bari, waxaana gudoonka dhinaca maamulka ee Degmadaasi Cabdi Xaaji cali uu dhex dhigay oo u wakiishay maamuuska dhagax dhigga dugsigaasi Caaqil cabdi jaamac Geydh & Wiilkiisa ooah Muftiga degmadaasi Sh, Maxamuud Cabdi jaamac Geydh, waxana uu Cabdi Xaaji Cali Sheegay inay labadoodu mid u xulaan si uu dhagaxa u dhigo.

 

Intaasi ka dib waxaa muuqatay In Sheekh maxamuud uu ka faa'iidaystay aqoonta uu u leeyahay Diinteena wanaagsan isla markaana uu sheekhu ka dheragsanaa xaqqa uu ka leeyahay aabihii, waxana uu dib uga booday goobtii uu taagnaa taasoo muujisay inuu aabihii yahay ka xaqqa u leh maamuuska dhagax dhigga.

 

Intaasi ka bacdi waxaa dhagax dhigay Dugsigaasi Caaqil Cabdi Jaamac Geydh, wax yar ka dibna waxaa si rasni ah u bilaabatay shaqadii dhismahii Dugsigaasi.

 

Caaqil Cabdi Jaamac Geydh oo Dhagax dhigaya Dugsiga

 

Shaqada Dhismaha Dugsiga oo Bilaabatay

Ardada Waxbarashada u Baahan oo Isa soo buuxiyey goobta dhagax dhiggu ka dhacay.

Muuqaal ka mid ah Degmada Ceegaag

 

Xafiiska Dahabshiil ee Ceegaag

Xigasho: Buuhoodlemedia.com

  

webmaster@ceegaag.com