shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Madaxii WFP ee Marka oo xalay lagu dilay bartamaha magaalada Marka

(Marka, October 18,  2008 Ceegaag Online)

Sidda uu sheegay afhayeen u hadlay jamciyada QM qaybteeda cuntada oo la yiraahdo Marcus Prior ayaa sheegay in lagu dilay magaalada Marka ninka ka tirsan shaqaalaha WFP ,ninkaan ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Allah u naxariistee C/naasir Aadan Muuse Kulmiye
 

C/naasir Aadan Muuse Kulmiye ayaa ahaa madaxa WFP, Sarkaalkaan ayaa waxaa la dilay xili uu ka soo baxay Masjid ku yaal magaalada Marka oo ku soo tukada Salaadii cisho.

Sarkaalkaan ayaa waxaa dilay dablay hubaysan oo tacshiirad ku furay waxaan ay xabadaha ka haleeleen madax, dilkaas wuxuu kusoo hagaagay goor uun ay doraato ahayn markii halyayga Caanka ah ee Soomaaliyeed Cabdi Bile Cabdi ugu baaqay inaan la layn waxgaragka kaliya ee ku hadhay dalka Soomaaliya si ay u gacan qabtaan dadkooda dadkii aqoonyahanada u ahaa u faaruqiyeen dalkooda nabad galyo xumu awgeeed.

Si loo badbaadiyo dadka danyarta ah ee aan ka maarmin adeega hayadaha caalimiga ah kol hadii ay dawladoodii la burburiyay.

www.ceegaag.com

  

webmaster@ceegaag.com