shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Dowladdaha Masar iyo Yeman oo ka wada hadlay Xaaladda Somalia iyo khatarta ka dhalan doonto sii socodshada burcad Badeedka.

(Qaahira, October 06,  2008 Ceegaag Online)

Madaxweynaha Yemen Ali Abdallah Salah oo booqasho ku tagay dalka Masar ayaa waxaa uu kulan gaar ah la yeeshay Madaxweynaha Masar Mohamed Hosni Mubarak, iyadoo wada hadalada diirada lagu saaray xaaladaha cakiran ee dalka Soomaaliya.

Mohamed Hosni Mubarak Madaxweynaha dalka Masar waxaa uu sheegay in Masar awood badan u leedahay inay ilaaliso badeeda si looga hortago burcad badeedka ka dilaacay Soomaaliya, iyadoo ay Masar ka mid tahay Dowladaha saameysay burcad badeedka ka jira Soomaaliya kuwaas oo gacanka Carbeed taga halkaasina ka soo afduubtaan Maraakiibta marta Badda.

Labada Madaxweyne Yeman iyo Masar, waxay soo dhaweeyeen wadahadalada u socda Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Isbaheysiga Dib u Xoreynta ee Sheekh Shariif Madaxda u yahay

“Si looga hortago khatarta soomaaliya ka jirta waa in Caalamka iyo Jaamacadda Carabta ka shaqeeyaan sidii Soomaaliya loo xasilin lahaa” ayuu yiri Madaxweynaha dalka Masar Mohamed Hosni Mubarak oo hadlayay wax yar kadib markii uu dhamaaday kulanka isaga iyo Madaxweynaha Yeman ku yeesheen Magaalada Qaahira ee xarunta dalka Masar (Egypt).

www.ceegaag.com

  

webmaster@ceegaag.com