shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Musharaxa Jagada Gudoomiyaha Baarlamaanka Puntland oo lagu casuumay Aqalka Cad ee Minnesota.

(Minneapolis, October 04,  2008 Ceegaag Online)

Musharaxa gudoomiyaha Baarlamaanka Puntland Kobra Keysa Jama oo booqasho ku joogta magaalada Minneapolis ayaa maanta waxa lagu casuumay aqalka Cad ee Minnesota House, Aqalka cad ayaa waxa uu ka kooban yahay Senate iyo Congress, halkaas oo looga arimiyo gobalka Minnesota.

Kobra Keysa Jaamac ayaa lagu soo wareejiyey meesha ay ku shiraan labada Aqal, iyadoo weliba halkaas lagu siiyey taariikhda Aqalka Cad ee Minnesota iyo markii ugu horeysey ee gabadh musharaxa ay ku soo biirto. Aqalka Congress-ka ee Minnesota ayaa hada waxa Speaker of Parliament ka ah gabadh laga soo doorto xafada Minneapolis, Gabadhaas oo ah gabadhii labaad ee noqota Speaker of Parliament.

Musharaxa intii ay ku guda jirtey casuumada ayaa waxa ay weydiineysey sida xildhibaanada Minnesota u shaqeeyaan iyo sidii ay xiriir ula sameyn lahayd hadii ay ku guuleysato jagada gudoomiyaha Barlamaanka Maamul Goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland. Halkaas oo ay soo dhaweeyeen in ay la sameyn doonaan xiriir wanaagsan, maadaama ay Soomaali badan degan yihiin Gobolka Minnesota.

Musharaxa ayaa maanta u diyaarsan in ay la hadasho Soomaalida degan Minnesota, halkaas oo ay ku soo bandhigi doonto barnaamijka ay ugu tala gashay musharaxnimadeeda iyo sidii ay taageero uga heli lahayd Soomaalida.

Musharaxa ayaa waxa loo diyaariyey xaflad weyn, xafladaas ayaa lagu qaban doonaa bartamaha magaalada Minneapolis, xarunta Taj Mahal Mall saacadu marka ay tahay 3:00 galabnimo.

Abdimalik Askar
aabdimalik@hotmail.com
 

  

webmaster@ceegaag.com