shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Ciidamo Itoobiyan ah oo aad u fara badan ayaa soo gaaray Degmada Luuq ee Gobolka Gedo.

(Luuq Gedo, October 05,  2008 Ceegaag Online)

Wararka naga soo gaaraya Degmada Luuq Ganaane ee Gobolka Gedo ayaa sheegaya in Ciidamo Itoobiyaan ah oo aad u fara badana ku hubeysan Gaadiid dagaal iyo hub culus ay soo gaaray Gobolka Gedo iyagoo ka soo gudbay xadka Labada dal ee Soomaaliya iyo Itoobiya.
 
Ciidamadani Itoobiyanka oo wata gaadiidka Dagaalka oo gaaraya illaa 60-gaari oo ah nooca Loo yaqaan uraalada iyo Taankiyo ayaa waxaa ay shalay ka soo gudbeen xadka kala qeybiya dalalka Itoobiya iyo Soomaaliya, waxayna soo gaareen qeybo ka mid ah Gobolka Gedo.
 
Degmada Luuq ee gobolka Gedo ayaa lagu arkay Gaadiidka iyo Ciidamadaas cusub iyagoo fariisin ka sameeystay meel 3-KM u jirta degmada Luuq.

Wararka ayaa sheegaya in Ciidamadan ay ku wajahan yihiin Gobolka Gedo qeyb ka mid ah ilaa iyo Jubbooyinka halkaas oo ay kooxaha Islaamiyiinta Soomaaliya ka Taliyaan

www.ceegaag.com

  

webmaster@ceegaag.com