shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Ururka Bisha Cas ee Soomaalia oo deeq raashi ah gaadhsiiyay degmada Ceegaag

(Ceegaag, November 10,  2008 Ceegaag Online)

Ururka Bisha Cas ee Soomaaliyeed ayaa maanta gaadhsiiyay degmada Ceegaag ee gobolka Togdheer shixnado raashin ah oo ay ugu deeqday dadwaynaha degaankaas. 

Guddoomiyaha degmada Ceegaag Cabdi Xaaji Cali Cilmi (cabdiriiglle) iyo xubnaha maamulka degmada ayaa si toos uga guddoomay  deeqdaas raashinka ah wakiilka hay’adda Bisha Cas Maxamed Cabdi Calawaash. Maamulka degmada Ceegaag ayaa isla maanta u qaybiayay deeqdaas dadwaynaha degmada. 

Ugu danbayntii waxaa hadal mahadcelin ah ka soo jeediyay goobtii ay ka dhacaysay wareejinta deeqdaas guddoomiyaha degmada Ceegaag Cabdi Xaaji Cali Cilmi oo si wayn ugu mahadceliyay ururka Bisha Cas oo tan iyo intii la degaameeyay degmada Ceegaag la barbartaagnaa dadwaynaha degmada mucaawino isugu jirta raashin, dawo iyo dhismaha adeegyada bulshada. 

Wakiilka ururka Bisha Cas oo isna goobtaas ka hadlay ayaa u mahadceliyay maamulka degmada isagoo u ballan qaaday in hay’adda Bisha Cas  sii wadi doonto deeqaha ay siiso degmada isla markaana ay ka qaybqaadan doonta mashaariicda lagu horumarinayo degaankaas.

webmaster@ceegaag.com