shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Itoobiya oo ka baqo cararasa kooxaha Xag jira ee All-shabaab

(Addis-Ababa,  November 18,  2008 Ceegaag Online)

Kadib guulo isdaba jog ah ay soo hooyeen kaaxaha Al-shabaab duulaano ay ugu awood sheeganayeen maamul goboleedyo daacad u ahaa DFKM ayaa waxaa baqdin awgeed  afka yimid Wadnihii ciidamadii Itoobiyaanka ahaa ee ku sugnaa gudaha Soomaaliya.

Wasiirka arimaha dibada ee Itoobiya ayaa sheegay inuu ciidamdiisa ka daabulaysan doono hadii ayna heshiinin madaxda DFKM, isagoo hadalkiisa raaciyay Dawlada Soomaaliya waa mid iyadu kuuruursatay, kufasana hadii aanu ay ciidamadayadu ka soo ruqaansadaan Soomaaliya.

Hadalkan ayaa u muuqda marmarsiiyo ladoonayo in lagu qariyo guuldarada balaadhan ee ay ku dhufteen xoogaga All-shabaab. Ciidmada Itoobiya oo u hiilo yimid DFKM kal hore.

Xoogagii maxaakimta oo iyagu ku guulaystay soo celinta nidaam iyo sharcigii Magaalo Madaxda Muqdisho inta aan loo awood sheegan ayaa ka booday siyaasada guracan ee All-shabaab, iyagoo hadana dhiiro galiya in aan la yaraysan Dagaalka lagula jiro ciidamada Itoobiya.

www.ceegaag.com

 

webmaster@ceegaag.com