shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 
 

Ciidamada amaanka ayaa xalay waxa ay ku dileen badhtamaha magaalada hargeysa ee caasimada soomaaliland, nin dhalnyaro ahi.

(Hargaysa, November 26,  2008 Ceegaag Online)

Ninkani oo watay gaadhi nooca loo yaqaano (Market) oo kusii socda hoygiisa ayaa waxaa joojiyay ciidamada amaanka, isagoo diiday amarkii loo soo jeediyay, ee ahaa inuu furo, kabadhka dambe ee gaadhiga, taasoo dhalisay is maandhaaf xoog leh oo dhexmaray askartii iyo ninkani dhintay, wax aaanay wararku sheegayaan, in ninka dhintay uu lasoo degay baangad,

Xaaaladu markay halkaa mareeso, ayaa mid ka mid ah askarta amaanka oo da`yar, uu rasaas madaxa kaga dhuftay

Alla ha u naxariistee oo lagu magacaabi jiray, Cabdi xanan ninka dhintay ayaan ii suuro galin in aan wax ka ogaado, waxa uu ifka kaga tagay Waxaa kaloo xusid mudan, in

askarigii dilka geeystay uu qirtay falkaasi,

Saaka ayaa labadii reer ee ay kasoo kala jeedeen, ninka wax dilay iyo ninka la dilay, waxa ay guda galeen, in ay wada hadlaan.

Ma aha markii ugu horeeysay, oo dil noocanoo kale ah, ka dhaco soomaalind, bishan aynu ku jirno ayay ahayd, markii nin aan waxbo galabsan lagu dilay tuulada Aw-barkhadle, oo 30 Km kaga  began bariga magaaalada hargeysa, isla markaana labo ninoo kalena halkaasi lagu dhaawacay,

Ilaa iyo hada lama oga cida sida rasmi ah uga dambeeysa, inkasto wararka qaarkood ayshegayan, in ninkaasi loo dilay aano qabiil

Marka uu gabalka dhaco ayaa waxaad ka dareemeeysaa magaalada, dhaq dhaqaaq ciidan, oo ay sameeynayaan ciidamada amaanka, iyagoo gawaadhida qaarkood joojinaya , waliba baadhitaana ku sameeynaya

 

www.ceegaag.com
 

 

webmaster@ceegaag.com