shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 
 

Doorashooyinka Maamul Goboleedka Puntland.

(Garoowe, November 28,  2008 Ceegaag Online)

Waxaa la filayaa Jan 8, 2009 in ay ka dhacdo deegaanada Puntland doorashadii madaxtinimada, doorashada ayaa sanadakan waxay u muuqata mid aad u xamaasad badan doorashada ayaa waxaa isu soo sharaxay musharixiin ay tiradoodu aad u farabadan tahay isla markaana ay kor u dhaafayaan 20 musharax sidoo kale waxaa musharixiinta ka mida madaxwaynaha Dowladiisu dhici rabto ee General Cadde Muuse oo isagu shaaca ka qaaday in uu dib isu sharaxayo sidoo kale musharixiinta ayaa waxaa ay kala yihiin:

 

1.      Maxamuud muuse xirsi (General cadde)

2.      Aadan maxamed ciise (Gaadaale)

3.      Xasan Abshir faarax

4.      Saleebaan Wajixaad

5.      Cali Baashe X.Maxamuud

6.      C/raxmaan maxamed (Faroole)

7.      C/laahi axmed jaamac (ilkajiir)

8.      Cumar shiikh cali farjac

9.      Prof. Muxiyadiin cali yuusuf

10. Nuuradiin aadan diiriye

11. Siciid maxamed raage

12. Axmed siciid awnuur iyo

13. Saleebaan ciise axmed

 

Dhamaan musharixiintaan waxay isu soo taagen inay u sharaxanyihiin jagada madaxtinimada puntland sidoo kale waxaa iyana jira musharixiin kale oo an idiin soo gudbindoono magacyadooda  Anagoo idiinku soo gudbin doona silsilada doorashooyinka Puntland oo ay Shabakada Wararka ee Ceegaag Online si toos ah idinku soo gudbindoonto.

 

Marka la eego xaladaha ka taagan Gobolada Puntland waxaad moodaa kuwo aanay la dhacsanayn dadku sida ay u shaqaynayso xukuumada Gen. Cadde Muuse maadama ay xukuumadu xakamayn wayday arimaha burcad badeeda oo noqday kuwo tusbax afka laga furay ah isla markaana  ay ka mushtaraan gaadiid badeedka maraya biyaha caalamiga ah ee ku teedsan xeebta badwaynta hindiya.

 

Sidoo kale xukuumada madaxwayne cadde muuse waxaa ay balan qaaday inay shidaal soo saari doonto walaw aan hawshaasi wali la dhaqan galin sabab la xiriira arimaha amaanka  ayaa iyana ay ku fashilantay xukuumadu isagoo madaxwayne cadde muuse sheegay inay ahmiyada siin doonaan laga bilaabo hada arimaha amaanka balse ay ku mashquuleen dhaqaale.

 

Musharixiintan aadka u faraha badan ee isa soo sharaxaya ayaa iyagu balanqaaday inay wax ka qaban doonaan arimaha amaanka iyo sidoo kale soo celinta gobolka Sool oo mudo sanad ka badan gacanta Puntland ku jirin ayna isbedel keeni doonaan hadii la doorto.

 

Si kastaba ha ahaate waxaan arki doonaa cida ku guulaysata jagada madaxtinimada puntland adiga oo Doorashada iyo waxa soo kordha maalinwalba kala socon doontaan Ceegaag Online

C/rashiid Maxamed Daahir

Qardho, Somalia.

 

webmaster@ceegaag.com