shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Ciidanka ilaalada xeebaha dalka Yeman ayaa gacanta ku dhigay dooni siday tahriibayaal Soomaali ah.

(Sana'a, December 07,  2008 Ceegaag Online)

Wasaarada Arimaha dibada dalka yaman ayaa warmurtiyeed ay soo saartay ku sheegtay in ciidamada qaabilsan ilaalinta badaha ee dalka yaman ay gacanta ku dhigeen dooni siday tahriibayaal gaaraya boqol-100.

 

War saxaafadeedka ayaa lagu sheegay in dadkii ay waday doonidaasi la geeyay xerada Qaxootiga ee ay maamusho Qaramada midoobay taas oo la geeyo dadka tahriibayaasha ah. Ayna maamusho hayada qaramada midoobay u qaabilsan qaxootiga ee UNHCR.

 

Dowladda Yemen ayaa sidoo kale waxa ay sheegtay in bilahan dambe ay soo gaareen dad tahriibayaal soomaali ah oo magangalyo doon ah kuwaas oo ka baxsanaya dagaalada iyo qaharka ka taagan dalka soomaaliya.

 

Hay'adda ayaa ku baaqday inay dawlada yaman gacan ka gaysato sidii dadkaasi lagu dejin lahaa ilaa inta xal looga helayo waxaana dadkaasi ka mida 35 ruux oo isugu jira caruuur iyo dad haween ah .

 

Tirada dadka Tahriibayasha ee sanadahan dambe soo garaya yaman ayaa ah kuwo soo kordhaya isla markaana ay bilahan yimaadeen dad tiradoodu gaarayso 700-oo qof  gargaar deg-degana u baahan.

 

C/rashiid Maxamed Daahir

lacle1004@hotmail.com

webmaster@ceegaag.com