shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Saladihii Roobdoonka ee laga tukanayay Caasimada Hayrgaysa oo Raxmaankeenu kasoo Jawaabay

(Hargaysa, May 05,  2008 Ceegaag Online) 

Maanta galinkii danbe ayaa roob mahiigaan ahi ka dul curtay caasimada Gobolka Waqooyi Galbeed ee Hargaysa.

Roobkan oo aad u biyo dhigay da'ayayna mudo afartan iyo shan daqiiqo ah ayaa nadiifiyay dhamaan Dooxooyinkii magalada.

Halka shacabka hargaysa ku wada yaceen masaajidada si ay ugu mahad celiyaan Raxmaankeena  raxmaadka ku maasheeyay Hargaysa oo uu aad u mashaqeeyay roob la'aan ku habsatay Gu'gan.

Xafiiska Wararka Ceegaag.com

Hargeysa

  

webmaster@ceegaag.com