shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Nin udhashay SSC oo lagu toogtay Gudaha Magaalada Burco ee Xarunta Gobolka Togdheer.

(Burco, May 05,  2008 Ceegaag Online) 

Marxuumka  ayaa waxaa saaka aroor yadii hore lagu toogtay gudaha Magaalada Burco  ninkan oo ka soo jeeday Deegaanada Magaalaada Ceegaag ayaa lagaraneyn sababta ka dambaysay toogashadan.
 
Marxuumka dhintay ayaa waxaa la oran jiray  Jiray  Maxamed Xasan maxmuud Owciise,  ninkan dhalinyarada ah ee lagu dilay gudaha Magaalada Burco ayaa ahaa Arday wax ka dhigta magaalada Burco.

Gacanku dhiiglaha faldanbiyeedkan gaystay ayaa ah nin ay ilmaabti ahaayeen oo layiraahdo Deeq Cabdi Guhaad, oo kasoo jeedaa Deegaanka Galbeedka Burco.
 
Marxuumka ayaa isla saaka lagu aasay xabaalaha Magaalada Burco. Aaska Marxuum Maxamed ayaa waxaa ka soo qaybgalay Ehaladiisii oo ka timid Tuulada Dhalaamacune.

Wixii kasoo Kordha Arintan Kala Soco Ceegaag.com

Xafiiska Wararka Ceegaag.com

Hargeysa

  

webmaster@ceegaag.com