shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Ma Haboon Tahay in Xiligan Isbaheysiga Asmara uu Labo Garab Kala Noqdo?

(Asmara, May 30,  2008 Ceegaag Online)

Isbaheysiga Dib u Xoreynta Soomaaliya ee lagu soo dhisay Magaalo madaxda dalka Eritrea ee Casmara ayaa moodaa inuu sii kala fogaanaayo kadib markii khilaaf xoogan soo kala dhaxgalay madaxda sare ururka iyo xubno tiro yar oo ka tirsan Isbahaysiga.

Khilaafkaas oo noqday mid soo shaac baxa kadib markii ay ku qanci waayeen shaqsiyaad  ka tirsan isla Isbaheysigaas, kuwaas oo ka biyo diiday qaabka  ay labada Gudoomiye ee Isbaheysiga Dib u xoreynta Soomaaliya ula hadlayaan beesha caalamka iyo wadahadaladii Nairobi ee u dhaxeeyay Isbaheysiga iyo United Nation-ka, iyagoo ku eedeyey inay heshiis hoose la soo galeen beesha caalamka isla markaana ayna rabin inay  shaaciyaan, waa sida ay hadalka u dhigeen.   

Labada gudoomiye iyo wafdigii la aaday Nairobi ayaa ku qanacsan in laga qayb galo shirka Jabuuti lagana wadahadlo sidii ciidamada Ethopia dalka Soomaaliya looga saari lahaa, iyagoo ka duulaya qodabo ku xusan axdiga ururka oo qeexaya in loo mari karo qaab kasta sidii dalka Soomaaliya looga xoreyn lahaa Ethiopia iyo kuwa ay ku adeegato.   

Dadka Soomaaliyeed ee taageera mabaadiidka gobanimo doonka ayaa ka muujiyey walaac hadalada ay ka maqleen qaar ka tirsan ururka oo si cad u sheegay inaysan u hogaansamaynin mowqifka ay qaateen madaxda ururka iyo inta badan xubnaha labada gole ee ururka ee hada ku sugan dalka Jabuuti.    Hadaba waxaan qoraal ku eegayaa maxaa la isku haystaa kadib markii aan labada dhinac dad ka mid ah kala hadlay arimaha lagu jahwareeriyey shacabka Soomaaliyeed ee ay walaacana ka keeneen inta badan.  

Labada Gudoomiye iyo xubnaha inta badan oo ku sugan dalka Jabuuti  ayaa aaminsan inay sax tahay in lagala wadahadlo beesha caalamka in Ethiopia ciidamadeeda dalka Soomaaliya laga saaro kadibna ciidamo ka socda beesha caalamka oo United Nation-ka maamusha lageeyo Soomaaliya oo dhan, kadibna ummadda Soomaaliyeed wadahadal ku dhamaysato arimaheeda faragalin shisheeye la’aan, si ay u dhistaan dowlad sax ah oo shacabka kalsooni ka haysata.

Masiirka ummadda Soomaaliyeedna aysan ka ogalanaynin in cidi u yeeriso sidaas darteedna Jabuuti ka dhigan doonaan xarun cusub.    Waxaana iyana Casmara ku sugan koox lagu qiyaasay ilaa 14 qof oo ka tirsan isbaheysiga laakinse ka soo horjeestey shirka ka socda Jabuuti iyo aragtida ay qaateen labada gudoomiye iyo inta badan xubnaha Isbaheysiga.    Hadaa eegto xubnahaan ayaa dhaxdooda isku aragti wada aheyn dadka Soomaaliyeedna waa ay wada yaqaanin taariikhdooda laakinse waxay ka midaysan yihiin in la khilaafo shirka ka socda Jabuuti, dadka Soomaaliyeedna loo aqriyo waxaan jirin oo ay ka mid tahay.

1.  Labada Shariif waxay soo galeen heshiis qarsoodi ah.

2. lacag dhan 7milyan ayay soo qaateen  si ay ururka u kala jabiyaan.

3. khiyaano qaran ayay galeen oo axdiga ayay ka talaabsadee.

4. TFG-da  ayay ku biirayaan.

5. Seyoum Mesfin (Wasiirka Ariimaha Dibada ee Dalka Itoobiya) ayay kula kulmayaan Magaalada Sanca ee Dalka Yemen  IWM ah.   

Balse xaqiiqda aanu hayno way ka duwan tahay taas iyo waxay aqrinayaan tusaale ahaan waxay si toos ah uga war qaatan ama ku shaqeeyaan talada sirdoonka dowlada Eritrea iyo awaamiirta ay soo farto,  qaar ka mid ah rag ku jira Isbaheysiga iyagoo  jooga dalka dibadiisa ayaaa waxaa la soo hadley wasiir ka tirsan dalkaas oo la yiraahdo Abdow, kadibna  ticket-yo u soo direy kana dhaadhiciyey inay Casmara yimaadan si looga taqaluso madaxda Isbaheysiga Dib u Xoreynta Soomaaliya ee diiday inay ku shaqeeyaan ama fuliyaan danaha dowladooda ee  ku aadan Soomaaliya.   

Hadaa dib u eegto kuli mid mid waxaa ku soo baxaya inaysan isku aragti wada ahaan Karin, waayo qaar waxay aaminsan yihiin in dalka Soomaaliya lagu xukumo diinta Islaamka laakinse cida wax xukumaysana ay iyaga ahaadaan shaqsiyan, wax wadahadalna aan lala galin beesha caalamka dagaalkana uu iska socdo ilaa uu Washington ka gaarayo.

Waxaa kale oo jira kuwa aaminsan dantooda gaarka ah loona yaqaan Qado ku nool hadba meeshii ay ka heli karaan xogaa lacag ah ama darajo isla markiiba iska xaadariya, waxayna si toos ah mar kasta ula shaqaystaan shisheeyaha mana kala jecla Ethiopian, Eritarean ama Kenyan waana la wada yaqaan.    Eritrea iyo diidmada shirka Jabuuti.

Waxay ka leedahay arimaha Soomaaliya dano iyada u gaar ah, madaama Ethiopia dagaal kala dhaxeeyo ayey rabtaa in dagaalka ka socda gudaha Soomaaliya inuu sii socdo madaama culayska ciidamada Ethiopia looga hayo Soomaaliya aysan u suurtagaleynin inay Ethiopia dagaal ku soo qaado Eritrea.  

Sababtaas ayay uga soo horjeeda in lala hadlo beesha caalamka lagana hadlo in Ethiopia ciidamadeeda dalka Soomaaliya laga saaro,iyadoo ka duulaysa rabitaankeeda ayay kala qaybin ku biloowday Isbaheysigii lagu soo dhisay dalkeeda taas oo ay ku kaliftey inay dowlada walaalaha aynu nahay ee Jabuuti inay dhul ka qabsato ama soo dhoobto xadka labada dal ciidamo si ay culeys ugu saarto dowlada Jabuuti in wadankeeda shir lagu qabanin.  

Waxaa yaab ah hadii kuwa Xamar ama Baydhabo jooga lagu yaqaan inay dabadhilif u yihiin Ethiopia oo lagu caayo, hadii Isbaheysiga uu isna uu dabadhilif ay ku adeegtaan noqdo oo ay saas yeelaan labada Gudoomiye maxay dadka Soomaaliyeed qadiyadoodii noqoneysaa madaama loo shaqaynaayo dalal dano naga wada leh oo aan danteena u soo jeedin?    Shacabka Soomaaliyeed waa inay gartaan waxa la isku hayo oo runta ah hadii ay ahaan laheyd arimaha Soomaaliya iyo arimaha Isbaheysiga dib u xoreynta Soomaaliya.   

Qoraalkeygiina waxaan ku soo gunaanadayaa way haboon tahay in la kala baxo oo loona kala baxo mabaadiida runta ah waayo dad aaminsan qabiil,dan shaqsiyaaseed, u adeegid shisheeye iyo kuwo  wadaniyad aaminsan rabana in uu u madax banaanaado dalkiisa, diintiisa iyo dadkiisa ma wada socon karaan.   

Waana muhiim in si run ah, runta la iskugu sheego qolo walbana ay la aragti ahaato, kuwa la fikirka ah waayo Ethiopia oo wadanka qabsatey dadkoo dhan uguma wada soo horjeedaan ee waxaa jira dad badan oo ugu jira siyaabo kala duwan, tusaale kuwa ayaa ka xanaaqsan xilal ay soo waayeen, qaar baa aaminsan isbaaradii reerkooda oo la qaadey, qaar baa aaminsan gaaladaan la dirireynaa aduunkana  dhana waan xoreynaynaa, marka qoomaamkaas oo dhan hal markab ma wada qaadi karo waana muhiim la kala baxo intii isku dan ahna is wada raacdo inta lagu jiro halganka, si shacabka ugu kala cadaato meesha ay taageeri lahaayeen waayo Isbaheysiga magaca u wato iyo dadka kuwada jira waxaa ku wareeray dadka Soomaaliyeed ee dhibaateysan ee u oomaan nabad iyo nolol.  

Waxaana guulaysan doono kuwa aaminsan Wadaniyad ku dheehan Soomaalinimo, hadii Ethiopia naga baxdo waa guul kadibna aan meel uga soo wada horjeesano kuwa qabiilka caabuda iyo u shaqaynta shiisheeyaha ha ahaadeen wadaad ku sheega iyo  calooshiis u shaqaystayaasha.    

Waxaa fiican inaa misaantan dibna u eegtaan taariikhda dadka is haya kadibna ku qanacdaa waxaa la isku hayo iyo cida saxda ah,waxaan la yabaa Sheikh Shariif ayaa wax khiyaamaya halka Xuseen Caydiidna  wadani Soomaaliyeed yahay oo Ethiopia iyo TFG-da ka soo horjeeda, waxaa iyana taas ka sii yaab badan halka Jeneraal Yusuf Indhocade Janannimada ku qaatey iyo cida siisay. 

Waxaan u hambalyeynayaa Dowlada Jamhuuriyada Jabuuti oo qaadatey mowqif wanaagsan soona dhawaysay dadka Soomaalinamada dhabta ka tahay ee diiday inay u noqdaan  camiilo ama kuwa ay ku shaqeystaan Ethiopia iyo Eritrea. 

By Yusuf Mohamed Abdi Yusuf

mrsomalia@gmail.com

Xasuusin:

Fikrada Dadweynaha mas’uul kama aha Shabakada Ceegaag online ee Mas’uuliyadeeda waxay saran tahay Shaqsiga soo qora Fikirkiisa.
 

  

webmaster@ceegaag.com