shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Isaias Afewerki oo eedeyn usoo jeediyay Qaramada Midoobay iyo Dowladda Mareykanka.

(Asmara, May 14,  2008 Ceegaag Online)

Madaxweynaha dalka Eritrea Isaisas Afewerki ayaa Qaramada midoobay iyo Dowladda Mareykanka ku eedeeyey in ay doonayaan in ay kala jabiyaan isbeheysiga mucaaradka Asmara, isagoo sheegay in Qaramada Midoobay oo garab ka heleysa Dowladda Mareykanka ay wadaan dadaalo ay ku kala jabinayaan isbeheysiga Asmara ee Mucaaradka ku ah Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Wuxuu sheegay in aanu ogeyn sabab ay xiligaan Qaramada Midoobay ugu ololeyneyso kala fogeynta isbeheysiga Asmara oo uu sheegay in uu yahay mid taageero buuxa ka heysta shacabka Soomaaliyeed ee dagaalka ku jira.

"Anigu wax fikrad ah kama heysto qorshaha Qaramada Midoobay ay ku dooneyso in ay ku kala jabiso mucaaradka, waana wax lala yaabo in Qaramada Midoobay ay dowladda mareykanka ku garab istaagto sidii loo kala jabin lahaa kacdoonka ka socda Soomaaliya" ayuu yiri madaxweynaha Eritrea oo wareysi siinayey wakaaladda wararka Reuters.

Wuxuu tilmaamay in shirka jabuuti uu yahay mid lagu doonayo in lagu kala jabiyo mucaaradka isagoo Qaramada Midoobay si toos ah ugu eedeeyey in ay ka dambeyso arrintaas.

Mucaaradka Asmara ee iminka wada hadalada kula leh dalka Jabuuti xubno ka socda Dowlada Federaalka ayaa xaruntoodu waxa ay tahay magaalada
Asmara, waxaana aan la ogeyn in kooxaha mucaaradku ay ku kala jaban yihiin shirka Jabuuti.

Shalay ayey aheyd markii Yuusuf Maxamed Siyaad (Indhacadde) uu sheegay in uu qaadacay shirka Jabuuti islamarkaana xubnaha matalaya mucaaradka aysan wakiil ka aheyn isbeheysiga mucaaradka.

Xafiiska Wararka Ceegaag.com Muqdisho, Somalia

Axmed Aadan Ibraahim

axmedmadoobe@hotmail.com

  

webmaster@ceegaag.com