shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Is mariwaaga Xukuumada Somaliland iyo Xisbiyada Mucaaradka oo lafilayo in meel la isugu keeno.

(Hargeysa, May 06,  2008 Ceegaag Online)

Xisbiga Kulmiye ayaa midwaliba gaarkiis fadhi uga yeeshay hindise cusub oo lagu maaraynayo muranka adag ee ka taagan qabashada doorashooyinka iyo muda kordhinta madaxtooyada.

dhex-dhexaadiyayaashii loo xilsaaray in ay dhex galaan muranka mudo kordhinta ayaa usheegay labada xisbi mucaarad in hindisihii ay wadeen ay ogalaatay Xukuumada Daahir Riyaale madaxda ka yahay iyo xisbiga Udub.
 
Si kastaba ha ahaatee qodobada lasoo bandhigay ayaa si rasmi ah loo shaacin warar la isla dhexmarayo ayaa sheegaya in qodabada ay ugu mihiimsan yihiin sadex qodob oo si aad ihi ugu muran san yihiin labada dhinac ee mucaaradka iyo muxaafadka,waxaana loo soo jeediyay qolowaliba in ay katanaasulaan halka ay ku dhagan yihiin

Dhinaca kale hindisahan laysugu keenayo xisbiyada mucaaradka iyo xukuumada ayaa waxaa ka danbeeyay gudoomiyaha golaha Baarlamaanka iyo gudi Wasiiro ah oo soo xulay madaxwaynaha Somaliland Daahir Riyaale islamarkaana Madaxweynaha ku qanciyay in uu yeelo wadahadal si loo bad baadiyo wadanka lama hubo in Madaxweyne Riyaale ogalaanayo in lala qaybsado awooda isaga oo ugu hanjabay in sharciga la tiigsanayo cidii garab marta sharciga wadanka uyaala
 
Dhinaca kale xisbiyada mucaaradka ayaa ku celiayay in aanay xukuumada Riyaale aanay aqoonsaneyn laga bilaabo 15-may oo ah xiliga uu ku,eg ayahay xilka Madaxtooyada ayna kula talinayaan in uu kaboxo qasriga madaxtooyada hadii kale xoog looga saari doono.

Xafiiska Wararka Ceegaag.com

Hargeysa

 

  

webmaster@ceegaag.com