shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Faah faahin dheeraad ah ayaa ka soo baxeysa Markab ay kooxo burcad badeed ah ka afduubteen xeebaha Magaalada Muqdisho.

(Muqdisho, May 18,  2008 Ceegaag Online)

Wakiilka ganacsatada Soomaalida ah ee uu markabku u kireysnaa Sheekh Saney ayaa sheegay in kooxaha burcad badeedda ah ay markabka ula dhaqaaqeen dhinaca gobolka Mudug, isagoo intaa raaciyey inaau jirin xiriir ay kooxahaas la soo sameeyeen.

Wuxuu tilmaamay in ay diyaar u yihiin in ay la xaajoodaan kooxaha markabka qafaashay islamarkaana ay si kasta oo ay gacanta kooxahaas uga furan karaan markabka diyaar u yihiin in ay sameeyaan.

"Waxay damiyeen isgaarsiintii markabka, illaa iyo haddana wax xiriir ah nalama aysan soo sameyn" ayuu yiri wakiilka markabka oo ka waramayey haddii uu jiro wax xiriir ah oo dhexmaray.

Dhinaca kalena dowladda Urdin ayaa xaqiijisay in markabka la afduubtay laga leeyahay dalkeeda ayna saaran yihiin shaqaale tiradoodu ay gaareyso 20 kuwaas oo dalal kala duwan u dhashay.

Markabka ayaa waxaa shalay xeebaha magaalada Muqdisho waxaa ka qafaashay dabley gaareysa 15 nin oo aad u hubeysnaa kuwaas oo watay seddax doomood oo ah kuwa dheereeya.

Xafiiska Wararka Ceegaag.com Muqdisho, Somalia

Axmed Aadan Ibraahim

axmedmadoobe@hotmail.com

  

webmaster@ceegaag.com