shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Dagaal xooggan oo u dhexeeyey ciidamada Ethiopia iyo kooxaha ka horjeeda ayaa maanta ka dhacay gobolka Sh/hoose.

(Muqdisho, May 18,  2008 Ceegaag Online)

Dagaalka ayaa la sheegay in uu bilowday kadib markii kooxo hubeysan ay weerar ku qaadeen ciidamo Ethiopian ah oo baaritaano ka sameynayey dhulka howdka ah ee ku yaala deegaanadaas, waxaana halkaasi ka qarxay iska horimaad xooggan oo muddo socday.

Warar lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya in dagaalka oo la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan uu khasaare ba'an ka soo gaaray ciidamada Ethiopia waxaana dadka ku dhaqan degmada Wanla-weyn ay sheegeen in arkeen gawaari ay saaran yihiin askar ciidamada Ethiopia uga geeriyootay iyo kuwa uga dhaawacmay ay ciidamada Ethiopia.

Xaaladda goobihii lagu dagaalamay ayaa wararku sheegayaan in ay iminka caadi tahay in kasta oo weli ay jiraan dhaqdhaqaaqyo ciidan oo ay wadaan dhinacyadii goobahaas ku dagaalamay.

Lama oga khasaaraha rasmiga ah ee kala gaaray dhinacyadii ku dagaalamay goobahaas, waxaana wararku ay intaas raacinayaan in dagaalka uu saameyn xooggan ku yeeshay isu socodkii magaalooyinka Muqdisho iyo Beydhabo.

Gobolka Sh/hoose ayaa maalmihii ugu dambeeyey waxa uu noqday meel ay badanaa ciidamada Ethiopia kala kulmaan dagaallo xooggan oo badanaa dhaca marka ay ciidamadaas wadada isticmaalayaan.

Xafiiska Wararka Ceegaag.com Muqdisho, Somalia

Axmed Aadan Ibraahim

axmedmadoobe@hotmail.com

  

webmaster@ceegaag.com